Danleyda doorsoon ee Beesha Sacad, Habargidir

Faallo Keydmedia Online

La’aanta hoggaan dhaqan, Sayaasad, bulsho iyo Dhaqaale, waxa ay dadka iyo degaanka u horseedda burbur iyo baylah noqosho, waxa ay sababtaa in majaraha iyo maamulka umadda uu gacanta u galo kuwa ugu liita bulshada iyo habcanayasha aan halna ogeyn.

Danleyda doorsoon ee Beesha Sacad, Habargidir

Marka la waayo hoggaan hanad ah oo ka taliya ayaaha Bulshada mustaqbalka soo socda iyo midda maanta taagan, waxaa isasoo maqiiqa liitaha garashada Saboolka ka ah, kaas oo isku calema saara caaqilka cidda, waana midda maanta heysata Beesha Sacad oo ka tirsan Beelweynta Habargidir.

Inkastoo hoggaan la’aantu si guud ugu habsatay Hawiye oo dhan, haddana waxaa ugu liita Habargidir, oo Caaqil taliya, Culamo cilmiga adeegsata aan sanadahaan lagu sheegin, waana sababta asaagood ka rebtay oo maanta degaannadooda ka dhigtay kuwo diif iyo daranyo dilatay.

Qayb ka mid ah degmooyinka dalka oo ay degaaan dad asaagood ah, waxaa loo dareerayaa doorashooyin dadweyne, waxaana xilli habeen ah goobo fagaaro ah shacabka projector lagu barayaa habka cod-bixinta, halka maanta ay Habargidirta Gueceel deggan u biratumanayaan nidaam la’aan hor leh, kuna sii socdaan waddo mugdi ah oo mar hor laga diga-rogtay.

Aan u soo laabto, ujeedka qoraalka oo ah, koox qooleysato ah oo ku qaraabata magaca beesha Sacad, kuwaas oo iyaga oo aan cidna dirsan, ku adeegta magaca qabiilka, taas oo u sahashay in ay masiirka umadda af-duubaan iyaga oo dano gaar ah u fulinaya kooxo dadka degaanka iyo Dowladdaba halis ku ah.

Koox uu ugu horreeyo Liibaan Axmed Xasan (Liban Shuluq) oo ku daaban Sanatar Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa u istaagay in ay burburiyaan jirtaanka iyo karaamada Beesha oo u badan Gobolka Mudug, waxayna geed dheer iyo mid gaaban u korayaan hirgalinta u jeedooyin guraracan oo ay hubanti tahay in ay saameyn taban ku yeelan doonaan aayaha danbe ee Beesha Sacad haddii aan maatna la bar-qaban.

Kooxdaan oo u adeegta, Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, oo la rumeysan yahay in ay yihiin fidno Rabbi, ku imtixaanatay Umadda Soomaaliyeed, ayaa qeyb weyn ka qaatay in Qoorqoor oo aan hadda ka hor, waxar la raacsan uu noqdo Madaxweynaha Galmudug, taas oo ahayd mushkilad margiyada sii goysay gaar ahaan Bulshada Sacad guud ahaan Beelweynta Habargidir.

Qowleysatadaan aan cidna matilin ee iskood u qaraabta, waxa ay intooda badan billowgii bishii hore u safreen Muqdisho, si ay caraqalad ugu noqdaan dadaallada uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya cadaaladda ugu raadinayo kiiska Ikraan Tahliil Faarax, waxay RW Rooble, cadaadis ku saareen inuu ka gaabsado kiiskaas.

Qoorqoor iyo Qeybdiid oo ay wehliyaan kooxda uu hoggaanka u yahay Liibaan Shuluq, waxa ay Ra’iisul Wasaaraha ula tageen qodobo uu Farmaajo u soo dhiibay, kuwaas oo la doonayay in lagu daboolo kiiska Ikraan, hayeeshee M. X. Rooble, ayaa ku war-galiyay in ay warbaahinta ka sheegaan qodobada danaha gurracan ay ka leeyihiin, taas oo ugu danbeyn damacoodii ka dhigtay hal bacaad lagu lisay.

Kooxadan, waxa ay kaalin weyn ka ciyaareen, in maamulka Qoorqoor, uu noqdo maamulka qabtay doorashada ugu liidata marka loo eego kuraasta Aqalka sare, taas oo qaabkii ugu foolxumaa loo maamulay, isla-markaana ku si laga xishoodo loo boobay kuraasta.

Waxa ay si weyn ugu lug leeyiyiin, in dib loo dhigo kursiga ay beesha Sacad ku leedahay Aqalka Sare, iyadoo u jeedku yahay in loo boobo, Cabdi Qeybdiid, oo ay kooxdu ku daaban tahay, isla-markaana tartanka kursiga laga reebo, Madaxweynihii hore ee Galmudug, Axmed Ducaale Geelle, (Xaaf) oo la rumeysamn yahay inuu ka qab weyn yahay Qaybdiid.

Shaqsiyaadka danleyda ah ee Kooxda Farmaajo, ay ku naas-nuujiyaan, hagar-daameynta iyo lug-gooyada Sacad, waxaa ugu horreeya Liibaan Axmed Xasan (Liban Shuluq), imaan Xasan Jiirow, Cabdinasir Jamac Seed, Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel), Wadaad yare, Cabdiqani  Itoobiya iyo Ina Itoobiya, kuligoodna waxay ku daaban yihiin Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid).

Maanta waxaa Sacad la gudboon, in ay runta wajahaan, beentana daboolka ka qaadaan, si buuxdana Beesha loo baro shaqsiyaadka Calooshoodu Cajabisay oo aan cidna matalin ee qowleysatda ah. Qeybaha kala duwan ee Bulshada Sacad Habargidir, waxaa hor-taalla fursad ay dib isku xisaabiyaan, miisaanna saaraan meesha laga yimid, halka ay maanta joogaan iyo halka ay u socdaan. 

Guuleed Faarax - KEYDMEDIA ONLINE




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.