Farmajo ​​​​​​​isma badalaayo

Bulshada Ra’yidka iyo odayaasha dhaqanka ha la saftaan mucaaradka ka soo horjeeda muddo kordhinta Madaxweynaha oo ah ku tumashada dastuurka kmg, waa baaq kooban oo uu dirayo Dr. Maxamud M Culusow. 

Farmajo ​​​​​​​isma badalaayo

Hadallada hanjabaadda, marin habaabinta, iyo aflagaadada ah ee RW Roble iyo Wasiir Xundubey iyo aamusnaanta iyo dagaal hoggaaminta farmajo waxay kala dooran siinayaan dadweynaha Magaalada Muqdisho inay aqbalaan amar ku taagleynta farmajo ama inay iska diidaan oo diyaar u ahaadaan dagaal iyo barakac.

Jawaabta waxaa bixiyay sarkaalka u hadlay ciidammada aagga barmuuda oo yiri “sharcidarro iyo silic ku noolaansho iyo barakac waxaa la doortay barakaca xorriyada iyo ilaalinta sharciga ka dambeyso.”

Farmajo oo adduunka oo dhan ka diiday inuu ka noqdo sharcidarrada uu sameeyay, diyaar uma ahaan maslaxadda iyo waanwaanta odayaasha dhaqanka iyo bulshada ra’yidka Soomaaliyeed isku mashquulinayaan haddii aan loo hoggaansameyn rabitaankiisa.

Si looga hortago dagaal iyo dhibaato dabadheerada, xaqu wuxuu yahay in odayaasha dhaqanka iyo bulshada ra’yidka la saftaan xoogagga mucaaradka iyo Ciidammada qalabka sida ee u istaagay difaaca dastuurka kmg, iyo iska xoreynta xukunka garmaqaata ah, xaqdarrada ah, nasiir laawa ah ee farmajo.

Ujeedada go’aanka muddo kordhinta ee Barlamaanka Federaalka loogu beegay 12ka Abrile waxay aheyd in Ummadda Soomaaliyeed lagu sandulleeyo aqbalaadda go’aankaas bisha Ramadan darted oo bilaabantay 13ka Abrile.

Waa munaafaqnimo diinta loogu gabbanayo. Maxaa keenay in arrin la ogaa inay dhalineyso colaad loogu soo beegay bilowga bisha Ramadan oo ah bil cibaado? Hadda ayaa shacabka Soomaaliyeed oo dhibaatada ku dhacayso lagu beer laxawsanaya in lagu jiro bisha Ramadan, laguna khasbaya inay ka tanaasulaan xuquuqdooda siyaasadeed oo aysan diidin ku tumashada dastuurka kmg.

DF waa Munaafaq ku eedeynaya dhibbanayaasheeda inay yihiin sharwadayaal.

Dr. Maxamud M Culusow




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.