Isku Milanka Siyaadadda, Qabyaaladda, Dhaqanka & Diinta - Qeybta Labaad

Faallo Keydmedia Online

Bashiir Cali Barre — Qaybtii hore ee Qormada waxaan uga soo hadalnay; SIYAASADA (SIYAASI), WADAAD ''CULUMAA'UDIIN'', QABYAALADDA ''QABIILKA", QABYAALADDA & SIYAASADDA - Tani waa Qeybtii Labaad ee Qormada Isku Milanka Siyaadadda, Qabyaaladda, Dhaqanka & Diinta.

Isku Milanka Siyaadadda, Qabyaaladda, Dhaqanka & Diinta - Qeybta Labaad

Ayaan nagoo halkii ka sii wadaynaha isku Milan arrimahan, waxaan qaybtan dambe ku qodbi doonaa;

  • DIINTA & SIYAASADDA (SIYAASAD DIIN USOO HOWASHO!!
  • SIYAASADDA IYO DHAQANKA
  • Haddaba aan gudaglo labadan qodob ee kale, waan sidan;
  • DIINTA & SIYAASADDA (SIYAASAD DIIN U SOO HOWASHO!)

Burburkii soomaaliya waxyaalaha laga dhaxlay waxaa kamid ah inay soo bexeen ururro diimeedyo hubeysan oo sheega inay dalka ku maamulayaan Shareecada ISLAAMKA. Ma xuma in dalka lagu maamulo Shareecada Islaamka, balse, yaa ku maamulaya oo mudan iney booskaas buuxiyaan?.

1991kii shirkii Jibuuti waxaa ka qaybgalay ''in kastoo aan la tixgalin'' ururkii Al-itixaad oo ka mid ah ururro diimeedyadii ka abuurmay soomaaliya lana oran karo waa kii ugu horreeyey ee kooxahan AK47-ka, RPG-ga iyo KITAABKA illaa maanta garbaha ku wata ayagoo sheegta inay JIHAAD ku jiraan.

Isma waydiinayno ma ka dhabbaa jihaadku mise waa awrku kacsi? Waayo waa iska caddahay taasi oo waa AWRKU KACSI, waxaana caddayn gaaban noogu filan, kaqaybgalkii shirkii Jibuuti & u hanqaltaaggooda siyaasadda.

''AL-ITIXAAD WAA HOOYADII DHASHAY SHABAABKA & ALQAACIDADA SOOMAALIYA''

Sanadkii 2006dii waxaa dalka soomaaliya intiisa badan gacanta ku dhigay koox diimeedkii la magac baxay Golaha Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed ''GMIS'', oo ay xubno sar sare ka ahaayeen Hoggaamiye yaashii ururkii aan horey u soo sheegnay ee Al-itixaad.

Hadallada ay ku dinaahyayn jireen waxaa ka mid ahaa (qofkii Muslim ah ee gaal la istaaga waa gaal kale!), waqti aan sidaa u sii badnayn ka dib waxaa dalka madaxwayne ka noqday hoggaamiyihii GMIS oo laftigiisu aan ka marnayn shaqsiyaadka ku hadaaqi jirey in qofkii gaal la sheekeystaa uu gaal kale yahay. Bal adba.

Waxyaalaha kooxahaan dhawaan galka ah ay caanka ku yihiin waxaa ka mid ah inay hoggaamiyeyaashoodu inta badan (70%) aysan u dhalan deegaannada ay rabshadaha iyo gumaadka shacabka ka wadaan, waxayna dabka ku shidaan oo dagaalka galiyaan dhallinyarada aan caqligoodu ku filnayn intooda badanna lagu hawlgeliyo shilimaad aan waxba u tarayn, balse, ay ku barakicinayaan deegaan iyo dad soomaaliyeed oo laga yaabo in reerahoodu ay ka mid yihiin dadkaas ay hilfaha u qaadayaan, tiiyoo kufaarta jihaadka beenta ah u soo dira asagoo guryahooda jooga afku u duuban yahay aan laga yaabina inay ka garab dagaallamaan.

Bal xaggee ka shaqaysaa JAHAAD baan ku jiraa oo gaal baan la dagaalamayaa afkana waan duubanaa?! Dagaalna ma galaayo ee wiilalyaryar baan dabka ku shidayaa? Ujeedku waa laba isisaaran oo ah :-

''a'' Inaan asagoo dagaallamaaya wax soo gaarin (dhaawac ama dhimasho),

''b'' In markuu mashruucaan dhammaado aan dadka laga qoonsan ee uu xor ugu noolaado dalka gudihiisa.

Ma jiro qof ku dhiirran kara inuu ka dhaadhacsiiyo inuu qaldan yahay wiilkaas yar ee balaayadu ku shaqaysatay diyaarkana u ah inuu qof Muslim ah ee soomman haddana soomaali ah isku qarxiyo ama uu madaxa bajiyo.

Dhammaan ama intooda badan ururradii hubeysnaa ee dhaxalka maanta laga hayaa uu yahay ''ALSHABAAB/ALQAACIDA'' waxaa hoggaan u ahaa shaqsiyaad aan lagu aqoon ama caan ku ahayn fidinta diinta Islaamka ee ay sheeganayaan inay wax ku maamulayaan, yaanay caan ku ahaanba fidinta diinta Islaamka'e haddii ay ugu dhaqmi lahaayeen sida ay tahay ee runta ah shacbiga soomaaliyeed ma qabeen walaaca iyo walbahaarka ay maanta ku qabaan kooxahaan diinta ku qaraabta.

Marka aad si dhab ah ugu fiirsato ficillada ay samaynayaan waxaad ogaanaysaa inay ku jiraan ama ayba u badan yihiin qaar danaha cadawga soomaaliyeed fuliya, si guud waaba u wada fuliyaan danaha cadawga, waayo waxay ka shaqeeyaan inaan soomaaliya dowladi ka dhismin, inaan soomaaliya dowlad ka dhisminna waxaa dani ugu jirtaa cadaw fara badan oo wadamada dariska ah ay ka mid yihiin.
Ma garanaayo sababta ay u fududaynaayaan hadafyada cadaawaha umaddaani uu leeyahay, balse, waxaan is waydiiyaa dhawr su'aalood oo ay ka mid yihiin:-

  • Ma qaar waddamadaas sirdoon u ah ayaa ku jira dhexdooda?
  • Ma qandaraas dheer oo ah in marka Ethiopia & Kenya dalka wada qabsadaan ay madax ayaga uga dhigaan bay kula jiraan?.

SIYAASADDA IYO DHAQANKA

Dhaqanka oo aan qaybta hore ee qormada ku soo sheegay wuxuu ahaa waayihii ay soomaalidu fiyoobayd, ayaa ah maanta ama kamid ah horgallada ugu muhiimsan siyaasadda soomaalida.

Waxaaba la dhihi karaa waa udub dhexaadka siyaasadda dalka, marka loo eego darajada iyo meeqaamka la gaarsiiyey  ayan se u qalmin aragtidayda.

Aan meeshaa caddayn kuu duldhigee indhahaaga FAG kala sii: 2012kii waxaa Xamar laysugu keenay boqollaal lagu sheegay inay yihiin oday dhaqameedkii saxda ahaa ee soomaalidu ay lahayd, waxaana shaqaqoodu ahayd soo xulista xubnaha Golaha Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Waxba yaanan sii raad raacine aan soo qaato dhawr dhacdo oo iga yaabiyay dhammaantoodna ay sameeyeen raggaas Xamar laysugu keenay ee baarlamaan soo xuleyaasha ahaa ''oday dhaqameed''

  1. Markii ay shaqaqoodii dhammaysteen waxay luflufan kareenna ay jeebabka ku cufteen waxay mediyaha la soo dhoobteen dowladdu naba sharfin oo markii aan baarlamaanka soo xulnay ayey naga dhaqaaqeen oo waxaan diyaarad ku raacno ma haysanno. Aaway wixii ay laaluush ahaanta kaga qaateen xildhaannada ay soo xuleen? Mise taasi waa budo gaar u tuman?.
  2. Waa dhexdaana waxaa sidaad wada ogtihiinba tiro 100 dibutaati ka badani ay soo jeediyeen in MD Xasan sh. is casilo, haddii uusan is casilina ay mooshin ka geynayaan.

Isku dayo badan oo guuldareystay ka dib wuxuu madaxwaynuhu xafiiskiisa ku martiqaaday Oday Dhaqameedyadii soo xulay baarlamaanka, halkaasoo dabkii baarlamaanka kaga shidnaa Xasan Shiikh uu si iskiis ah u baqtiyey.

Qodobka hore wuxuu ii muujiyey sida ay xishoodka, gobonnimada, sheexa iyo karaamada uga fogyihiin ee fakarkoodu ugu salaysan yahay; maxaad ii haysaa aniga ''maxaan cunnaa?!''.

Anoo qodobkaas(1) la yaabban isna leh mindhaa oday dhaqameed dambe lagama maqlo dowladda soomaaliya ayaan arkey 2sano kadib ayagoo madaxtooyada dhex raamsanaaya oo loo wakiishey inay damiyaan dabkaan madaxwaynaha uga shidan dhanka baarlamaankii ay shalay soo xuleen waana ay ku guulaysteen. Si kastaba aniga is key qaban wayday labadaan (1&2)

Bashiir Cali Barre
barrebashiir2014@hotmail.com

KEYDMEDIA ONLINE




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.