Jawiga Doorashooyinka

Kala shakiga siyaasadda Soomaaliya

Faallo Keydmedia Online

Kadib afar sano oo is mari-waa, is qabqabsi, isla qabweyni, is quursi, is maquunin, is maja-xaabin iyo is fahan la aan ah, waxa ay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya hadda taagan tahay, is aaminaad la’aan, isku tanaasul la’aan, wada-tashi la’aan, is maqal la’aan iyo kala shaki weyn oo la xariira amniga iyo sumcadda saamileyda siyaasadda.

Kala shakiga siyaasadda Soomaaliya

Kadib doorashadii xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee dhacday 17-kii Febaraayo 2017, wuxuu wadanku cagta saaray waddo qalloocan oo ku aroorta, kala qeybin, qabyaaladeyn, iyo is quursi laga qaaban qaabiyay Madaxtooyada Qaranka.

Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa loo dhiibay majaraha dalka, waxaana lagula ballamay, laguna dhaariyay inuu ilaalio guud ahaan shaciyada u yaalla waddanka, nasiib xumo afar-tiisii sano, sharci ma xeerin xeerna ma ilaalin.

Xaalad kasta oo xasillooneed xilligiisii ka hor hadda xasarad ayaa ka aloosan, meel kasta xurguf siyaasadeed iyo xiisad colaadeed ayaa ka taagan, gabi uusan ka dhicin iyo gobol uusan gacanta galin ma leh, kala geyn iyo kala gurid ayuu ku idleystay muddadiisii.

Wuxuu dal shisheeye u dhiibay muwaadin Soomaaliyeed, wuxuu ku duulay siyaasiyiin, wuxuu burburiyay Maamullada, wuxuu xorriyadda hadalka iyo xuquuqda aadanaha u diiday shacabka, markuu sharci kasta ku soo tuntay, ayuu ugu danbeyn diiday inuu ka dego kursiga Madaxweynaha oo waqtigiisii uu dhamaaday 8 Feberaayo 2021.

Wuxuu ka hor yimid wax kasta oo xal lagu gaari karay, wuxuuna go’aansaday inuu dalka ku maamulo kali-tasnimo, sidii Ina Siyaad Barre. Intaas iyo in ka badan waxa ay keentay in Soomaali kala aamin baxdo, la kala shakiyo qeyb ka mid ah Madaxda Maamul Goboleed-yaduna amnigooda ku aamini waayaan Madaxdooyadii umadda Soomaaliyeed.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, Siciid Deni iyo Axmed Madoobe, ayaa dhowr jeer si cad u sheegay in aan la isku halleyn karin amniga Muqdisho, oo Kooxda Al-Shabaab iyo Kooxda Farmaajo isku mid yihiin.

Arrintaan oo siyaasiyiin kale hore uga dhawaajiyeen ayaa si aan madmadow lahayn bannaanka u timid, kadib dhacdadii 19-kii Feberaayo ka dhacday Magaalada Muqdisho, oo Madax iyo shacab Soomaaliyeed uu Farmaajo qorsheeyay in la laayo.

Kala shakiga iyo kala aamin buxu halka uu gaaray, Madax Soomaaliyeed ayaa diiday in ay Villa Soomaaliya galaan iyagoo u cabsanaya amnigooda, taas oo keentay in amaankooda ay damaanad qaaddo Beesha Caalamka isla markaana ay iyagu ciidan si xoogan u hubeysan kala soo degaan goronka Aadan Cadde.

Golaha Midowga Murashixiinta oo ay hoggaaminayaan Madaxweynayal hore ayaa iyaguna si cad u sheegay in khtarta amni ee ay ka wajihi karaa Kooxda Al-Shabaab mid ka badan ay kala kulmi karaan Kooxda Farmaajo.

Musharixiinta Madaxweynaha, waxa ay ku doodayaan in Farmaajo xiray Saaxadii Siyaasadda, uu hor is taagay Ololohoodii doorashada, uu amar dul dhigay Huteeladii iyo guud ahaan goobihii kulamada, taas oo ay ku tilmaameen baal-marid sharci iyo ku tagri fal awoodeed.

Farmaajo wuxuu sidii uu doono u adeegsadaa ciidamada isagoo sameystay koox abaabulan oo qorshuhu yahay in uu ku boobo doorashada, taas oo meesha ka saartay aaminaaddii lagu qabay Ciidamada DF, iyo rajadii laga lahaa in ay sugaan amniga doorashooyinka dalka.

12-kii bishaan Maarso 2021, ayaa Madaxweynayaal hore iyo masuulyiin kale loo diiday in ay ilaaladooda la galaan garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo taas loo sababeeyay in Farmaajo imaanayo garoonka, amnigiisana ay khatar ku yihiin Madaxdii hore, inkastoo markii dabe Masuuliyiinta loo fasaxay in ay ilaaladuudo la galaan gudaha.

Kadib burburkii nidaamkii kali-taliska ahaa ee Ina Siyaad Barre maamulayay, majiro kala shaki la mid ah midka hadda taagan, kaas oo ka dhex qarxa madax Soomaaliyeed.

Waxa ugu weyn ee hadda loo baahan yahay in laga heshiiyo, waa Amaanka Doorashooyinka, Farmaajo ayaana taas hor taagan in lagu daro shirka looga arrin-sanayo, hannaanka doorashada ee dhawaan la filayo inuu ka dhaco Muqdisho.

Guleed Faarax - KEYDMEDIA ONLINE




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.