Macalinka Dugsi Qur’aanka maxaa loo soo soocday?

Dr. Ismaciil Malaas Gef weyn buu ahaa, oo ay horay ugu kaceen bulshooyinkii horee Soomaaliya ka jiray, in macallinka dugsiga aan lama marin mudankiisii, wuxuuna ahaa qofka keliya ee wax qora waxna akriya. Buugaag waagaa ma jirin, Waxaa Buuga kaalintiisa ku jiray loox xoogaa dheer ee ballac ayaa macallinka Dugsiga wax ku qori jiray; ardaydiisana iyagoo bacaad fadhiya ama dhulka ayeey wax ku baran jireen. Macallinkana wuxuu ku fariisan jiray “Massalle”oo ah harag la magday oo carunkii laga meyray dhogartiina lana xiiray. Masalluhu wuxuu uga dhignaa waxa aan maanta u naqaan “Sajaayad”.
Faallo Keydmedia Online
Macalinka Dugsi Qur’aanka maxaa loo soo soocday?

Markii miyiga laga  yimid oo tuulooyinka iyo Magaalooyinka la yimid wali Macallinku sidiisii ayuu ahaa  oo wadaado kuwa loo baxshay oo xoogaa isaga dhaamay ayuu ku dhex milmi jiray si ay cid “Sab” Sameyneysa oo awoowe waa hore dhintay ama Aabe iyo Hooyo iyagana dhintay  xusaya ama ilmo markaa dhashay oo neef la qalay loogu waqlalayo, isla markaana magac loogu bixinayo, wadaad ma ahan, sida dad badan u heystaan, qof diinta  yaqaan, Ereyga wadaad waxa uu asal ahaan ka yimid Wad aad oo qof wad macnaha malakulmut dilay ayaa loo duceyn jiray.

 

Macallin Dugsigu wax weyn ayuu bulshada u qabanayay. Markii dowladuhu Soomaaliya u dhismeen, Dugsi Qur’aanka Sidiisii ayuu ahaa Macallin dugsiguna wuxuu naftiisa iyo caruurtiisa ku quuta unbuu heli jiray.

 

Hadal yaanan kugu daaline  Al-shabaab waxay heleen dad dayacan, Gaajeysan oo cid kastaa oo wax siineysa oggal, xamar waxaa laga tabay macallimiintii Dugsi Qur’aanka oo mar kaliya yaraadeen, sababtoo ah Afgaanistaan, Wasiiristaan “Cecnia” IWM ayeey sidaan horeyba  u soo sheegay barid qota dheeree Diinta lama bareyn ee xoogaa Farbarasha ah ee carabiga ayaa la baray.

 

Markay soo noqdeen waxaa abuurmay  “horjoogayaal jihad” baadil ah, sidaan horeyba u soo sheegay. Kuwaasoo “Amiirro” loo baxshay taliya ciidan hogaaminaya, ileen barasho aan qota dheereyn ee diinta kaliya lama bareyn  waxaa kaloo la barayay sida loo dagaalama  oo dad dilaayaal ah oo naxdin iyo naxariis meel iska dhigay oo fariimo culus faray iyo in ay markii jihaadka bilaabaan in ay ka daba imaan doonaan .

 

Ajaanibtaasi khabiir kuma aha oo kaliya dagaalada iyo sida loo sameeyo waxyaabaha qaraxa  ee waxay khibrad u leeyihiin sida loo beero xashiishka, Marjuwaanada IWM. Xitaa marka ay hadafkaasi gaaraan sidii ay xiriir culus ee maafiyada Dunida ee ka ganacsata daroogada. Arintaan si gaar ah ayaan uga hadli doonaa  balse macallin Dugsigii la liidi jiray ma soo leexsan kartaa?, jawaabtu waa maya  Mobayllo kala nooc ah ayuu helay, xafiis dhawr telfoon oo line ah ay ku jiraan ayuu helay, Haweenkuu badsaday, Ajaanibtana Gabdhaha Xulka ah ayeey u geeyaan oo xoog loo kaxeystaa.  Bal kaalay adiga jooji Macallin dugsi oo kala hadal dadweynihiisa, yeeli mayo. Markan wuxuu doonayaa inuu geeska afrika Dowlad ah ka noqdo horjooge ama khabiir ama xeldheere.

 

Waddankani Soomaaliya Dagaalo iyo jahwareer  ayuu ku dhacay, wuxuu dhex dabaashay madaafiic aan loo meel dayin oo Xisbul Islaamku rido ama Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin ridaan, oo dad badan ku laaya xaafadaha xarumaha u ah Dowlada Ku meel gaarka ah  ku yaala, waxay  markay madaafiicdaasi ridayaan ka agtuuraan guryaha dadweynaha. Mar  hadday yimaadaan ma oggala in dadka gurayaha shubka ah ku cararaan, waaba haddii guryo wada shub ahi jiraan.sababtu waa maxay? Waxay kooxahani qabaan in haddii ay dadku u ogolaadaan ay la xiriirayaan AMISOM ama DKMG ah oo waa aan isla wada dhimanno , shahiidyo ayaad noqoneysaan .

 

Kuwa Ahlu diinka isku sheegaya, markii ay ridaan madaafiicda, ilbiriqsi kadib goobta way ka cararaan.

 

Kadib natiijadu maxay noqotaa? Si deg deg ah ayaa AMISOM, oo haysata Doorbinno iyo qalab casri ah oo elektroonik ah oo u cabiraya goobta laga soo tuuray, ay madaafiic toban jibbaar ka xoog badan, madaafiicda duqoobay ee qabqablayaashii dagaalka laga helay iyo kuwa Eratareeya uu Xassan Daahir ka keenay,  ku soo jawaabtaa dad badanna Xasuuqa. ,Markaa madaafiicda AMISOM waxaa loo jeediyaa xaafadaha ay kooxda wadaaddada ahi madaafiic ka soo tuurto.

Dadweynaha Soomaaliyeed midna uma roona oo qax baa dhaca haba darnaadee qaxii Sh.Xasan Daahir lagu magacaabay.

Shiikh Xasan Daahir markii uu Eratareeya ka yimid maalintii labaad ayuu Dagaal bilaabay. Kursiga sare ee madaxtinimada Soomaaliya wuxuu noqday, mar haddaad niyeeysatid,  daroogo..

W/Q

Dr. Ismaciil Malaas

 

NB: Faaladan waxay leedahay qeybo kale oo Muhiimah. la soco.

Aragtida qoraalkan waxaa iska leh qoraaga ku saxiixan.

www.keydmedia.net

 




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.