Mala dhexdhexaadin karaa Rooble & Farmaajo? 

Faallo Mohamud M Uluso

Khilaafka dhexmara Madaxda Sare ee hoggaamineysa dalka Soomaaliya waa ka duwan yahay, kana saameyn ballaaran yahay khilaafka dhexmara shakhsiyad, koox, iyo beelo. Wuxuu saameynaya ku dhaqanka iyo sarreynta dastuurka, ilaalinta danta guud iyo dhaqanka wanaagsan ee dowladnimo.

Mala dhexdhexaadin karaa Rooble & Farmaajo? 

Sidaa darted, qeexidda sababaha khilaafka iyo habka xallintiisa waa inay ahaadaan kuwa taageraya ku dhaqanka iyo sarreynta dastuurka iyo sharciga taaso adkeyneysa dowladnimada shacabka Soomaaliyeed ku mideysan yahay.

Buuqa ama Khilaafka Farmajo mas’uulka ka yahay wuxuu ku saleysan yahay labo arrimood oo asaasi ah, kuwaaso ay ka dhasheen falal iyo falcelinno looga hortagaayo in xumaanta meelmarto.

1. Ku shaqeynta iyo dhawrista dastuurka, sharciga, iyo xeerarka asaaska u ah dowladnimada Soomaaliya.

2. Wax ka qabashada kiiska xanuunka badan ee Sarkaalad Ikram Tahlil Faarax oo ka tirsaneyd hay’adda Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed (NISA). Kiiska Ikram wuxuu tijaabinaya damiirka, xilkasnimada, iyo daacadnimada Madaxweynaha JFS, Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirka Amniga, iyo Agaasimaha Guud ee NISA.

Ujeedada baaqa iyo codsiga ah “cadaalad ha loo helo Ikram” waxay tahay “ha la joojiyo ku takrifalka awoodda dowladda, lana qanciyo dadweynaha ka doonaya dowladda xogwarran xaqiiqada ku dhisan. Waxaa muhiim ah in la ogaado cidda dishay Ikram iyo sababta loo dilay. Farmajo wuxuu kiiska Ikram ku sifeeyay inuu yahay “xasaasi (sensitive).” Waa doqonnimo iyo xishood la’aan in taagerayaasha Farmajo iyo Fahad faafiyaan dacaayado aad u liita sida kiiska Ikram waxaa soo abaabulay Ajnabi, taaso aad u kordhinaya carada iyo neceybka loo qabo Farmajo iyo Fahad.” Raadraaca la hayo wuxuu farta ku fiiqaya Madaxda NISA.

Afartii sano ee Maxamed Cabdullaahi Farmajo Madaxweynaha ka ahaa Soomaaliya waxaa xoogeystay dhaqan ka soo horjeeda dastuurka kmg, kuna saleysan ku takrifalka awoodda dowladda iyo in Farmajo iyo Fahad ka sarreeyaan sharciga. Fahad Yaasin Haji Dahir waa shaqsi neceb dowlad sharcigu hoggaaminayo, daahfuran, bulshada la xisaabtanto, loona kala amar qaato sida loo kala sarreeyo. Waxaa mucjiso ah inuu toos ugu xiran yahay dowladda Qatar, taaso ah khiyaamo qaran.

Dhaqanka sharci diidka ah wuxuu ragaadiyay dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo tayo leh, kuna shaqeyneysa dastuurka iyo sharciga.

Boqolkiiba boqol shaqada dowladda waa inay ku socota raacidda dastuurka. Haddii khilaaf dhaco dowladda dhexdeeda, waa in lagu xalliya talojeedinta sharci ee qaryaqannada dowladda. Inta badan, Maxkamadda Dastuuriga ah waxay xallisa xadgudubyada hay’adaha dowladda ee Sharci-dejinta, Fulinta, iyo Garsoorka.

Warar xog ogaal ah waxay sheegayaan in Farmajo ku booriyay Ra’iisul Wasaare Roble iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Cabdirizaq inay ka shaqeeyaan hagaajinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya kaddib markii dowladda Qatar ay Farmajo iyo Fahad ku qancisay (amartay) soo celinta xiriirka labada dal oo Soomaaliya goy’say. Dowladda Kenya waxay dalbatay in wada hadallada labada dhinac maran jaranjarada Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Ra’iisul Wasaaraha inta aan la gaarin wadahadallo dhexmara labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya.

Farmajo wuxuu dalbaday in martiqaadka asaga loo soo diro, halka looga soo dirayo RW Roble, waxaana loo sheegay inaysan suuragal aheyn arrintaas. Saacado ka hor inta wafdiga RW Roble ka ambabixin Muqdisho, Farmajo oo ka careysay martiqaadka loo soo diray RW Roble, ayaa soo saaray qoraal aan munaasib aheyn, dhaawaceysa sharafta iyo karaamada RW Roble, ka muuqato ujeedo gurracan, gudbineysa farrin qaldan oo ah in RW Roble looga shakisan yahay qiyaamo qaran.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Cabdirisaaq ayaa Muqdisho iyo Nairobi ka caddeeyay in Ajendaha safarka RW Roble aysan ku jirin ka wada hadalka dacwada badda oo Maxkamadda Caalamka ee Cadaaladda gacanta ku hayso. RW Roble waa ka jawaabay warqadda Farmajo oo meel ka dhaca ku aheyd.

Dhacdadaas kaddib, RW Roble oo dastuurka ka sakow, dusha laga saaray mas’uuliyadda hirgelinta doorashada waqtigeeda dhaaftay ee Farmaajo carqalateynayay 4 sano, ayaa amray inaan muwaadiniinta Soomaaliyeed laga celin karin socdaalka meel kasta oo dalka ka mid ah. Haseyeeshe amarkaas waxaa iska dhega iyo indha tiray Madaxda Hay’adda Nabadsugidda, gaar ahaan Cabdullaahi Adan Kulane (Jiis) iyo Cabdiwahab Sheikh Cali oo hor istaagay siyaasiin iyo saraakiil rabtay inay u safarto Gobolka Gedo. RW Roble ayaa xilka ka qaaday saraakiisha amardiida bareerka ah sameysay. Maalmo kaddib, Agaasimaha Guud ee NISA Fahad Yaasin wuxuu labada sarkaal u magacaabay xilal sare taaso aheyd sharcidaaro loo bareeray iyo magac dil loola jeeday RW Roble. Magacaabidda saraakiisha xilka laga qaaday waxay tilmaameysay NISA ma hoos timaado RW Roble.

RW Roble falcelin kama sameyn xadgudubkaas

Mucaaradka waxay muddo dheer ka cabanayeen in Fahad Yaasin oo ah Agaasimaha Guud ee NISA ku milmay siyaasadda doorashada, waxayna codsadeen in xilka laga qaado ama laga joojiyo ku milinka siyaasadda si cad oo kama dambeys ah. Dalabka mucaaradka waxba lagama qaban.

Bilo badan waxaa socday waalidiin ka cabanaya carrur ay dhaleen oo hay’adda NISA qortay, lana filayay in Qatar tababar ciidan loogu qaado, haseyeeshe la geeyay Eritrea, kaddibna aan war laga helin, lana soo wariyay inay qaar ka mid ah dhinteen, qaarna soo baxsadeen. Waxaa kaloo jiray cabashada waalidiinta iyo ehelada sarkaalad Ikram Tahlil Faarax oo ka tirsaneyd NISA, kuna nooleed xarunta NISA dhexdeeda, haseyeeshe la waayay nolol iyo geeri kaddib markii baabur NISA gurigeeda ka soo qaaday, hoyadeedka u sheegtay in shaqo loogu yeeray Xafiiska Agaasimaha Guud Fahad Yaasin.

Inkastoo RW Roble maqlayay cabashada joogtada ah ee waalidiinta, wax tallaabo ah kama qaadin labada arrimood muddo dheer.

Si kedis ah, Setember 2, 2021 labo bilood iyo dheeraad kaddib markii la waayay Ikram Tahlil, VOA siideysay xogwarran ku saabsan maqnaanshaha Ikram, NISA waxay shaacisay in Al Shabab dileen Ikram. NISA ma soo bandhigay caddeymo iyo xogwarran lagu qanci karo. Al Shabab si degdeg ayey u beeniyeen dilka Ikram ee lagu eedeeyay, taaso aad u dhaawacday sumcadda Xukuumadda Xilgaarsiinta RW Roble. Wasiirka Amniga Xassan Xundubey wuxuu sheegay in Fahad Yaasin u sheegay in qawleysato, mafiya afduubeen Ikram, kaddibna ku wareejiyeen Al Shabab, laguna dilay Jilib agteeda.

Warka iska tuurka ah ee NISA wuxuu abuuray xasarad siyaasadeed iyo mid nabadgelyo, waxaana la afduubay dad ay qaraabo yihiin Fahad Yaasin caro iyo argudashado darted. Qaylo dhan kaddib, RW Roble wuxuu Fahad ka codsaday warbixin rasmi ah oo degdeg ah, wuxuuna codsaday in la siiyo dadka aargudashada loo afduubay, taaso la fuliyay. Nasiib darro, Fahad oo ah shakhsi ka sarreeya sharciga, ay aad u dhibeyso u hoggaansanaanta nidaamka dowliga ah, qabay inuu yahay milkiilaha dowladda federaalka, ayaa soo qoray jawaab amar diida ah, macnaheedu yahay RW Roble shaqo kuma lihid howlaha NISA.

Sidaa awgeed, RW Roble wuxuu shaqada ka joojiyay Fahad, wuxuuna si kumeel gaar ah u magacaabay S/Guud Bashir Maxamed Jaamac, ku magac dheer “Bashir Gobbe” inuu noqdo Siihayaha Xilka Agaasimaha Guud ee NISA. Isla marka waxaa xilka laga qaaday Wasiirka Amniga Xassan Xundubey Jimcaale sababo loo tiranayo xilgudasho la’aan.

Markaa kaddib, Farmajo wuxuu soo qoray saddex qoraal oo isburrinaya, daboolka ka qaaday afkaaraha iyo fahamka qaldan ee uu ka qabo dastuurka kmg oo difaaciisa mas’uul ka yahay. Waa musiibo weyn.

RW Roble waxba kama beddeli karo waajibka baarista kiiska Ikram Tahlil oo Xeer Ilaalinta iyo Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida u xilsaaran yihiin, shaqo joojinta Fahad Yaasin iyo Saraakiisha kale ee lagu tuhunsan yahay inay ku lug leeyihiin kiiska, iyo xil ka qaadista Wasiir Xundubey. Waa gef weyn in Farmajo Lataliye u magacaabo Fahad Yaasin oo RW Roble shaqada ka joojiyay.

Xallinta buuqa iyo xasaradda ka dhashay qoraallada isburrinaya ee Farmajo waxay ku xiran tahay in Farmajo aqbalo in tallaabooyinka uu qaaday RW Roble waajib ku aheyd marka laga eego dhinac kasta, ayna ahaayeen sharci, si loo ilaaliyo nabadda iyo kala dambeynta iyo isla xisaabtanka dowladda. Ka noqoshada tallaabooyinkaas waxay dhirrigelineysa ku tumashada dastuurka, ku takrifalka awoodda dowladda, iyo ugu dambeyn burburka dowladnimada Soomaaliya

Farmajo waa inuu tixgeliyaa:

1. In Ciidammada Qalabka Sida hoos yimaadaan Laanta Fulinta ee RW Roble Madaxda ka yahay.

2. In Fahad Yaasin, Kulane, Cabdiwahab iyo inta lagu tuhunsan yahay kiiska Ikram Tahlil aysan qaban karin xil iyo shaqo dowladeed ilaa Xeer Ilaalinta iyo Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida ay go’aan ka gaarayaan. Mushaar waa la siin kara inta go’aan maxkamadeed ka soo baxayo, haseyeeshe mas’uuliyad dowladeed ma qaban karaan.

3. Inuu aqoonsado in Xukuumadda xilgaarsiinta mas’uul ka tahay maamulka howlaha doorashada iyo maamulka caadiga dowladda muddada xilgaarsiinta sida ku xusan qodobka 103 ee dastuurka kmg. Madaama muddo xileedkiisa dhammaaday, waxaa muhiim ah in Farmajo ka dhawrsanaado inuu xiriir la yeesho ama siiyo awaamir hay’adaha Garsoorka iyo Fulinta ee ay hoos yimaadaan hay’adaha maamulka, Maaliyadda, iyo nabadgelyada.

4. Inuu taagero dedejinta hirgelinta doorashada uu Golaha Wadatashiga Qaranka mas’uulka ka yahay.

5. In RW Roble xushmeeyo hawl sharafeedka Farmajo qaban karo muddada uu ku sugan yahay Villa Soomaaliya haddii uu aqbalo afarta qodob ee kor ku xusan.

Dr. Maxamud M Culusow




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.