Farmaajo: Marka Kali-taliska gabbalkiisu dhaco

Kadib Afar sano oo olole doorasho uu ku jiray Madaxweynaha mudda xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, wuxuu hadda taagan yahay gagi marn iyo galgalin modow, gabbalkiisa ayaana ka dhacay golayaasha siyaasadda oo tiirarkii uu ku tacab beelay ayaa ka kala tagay.

Faallo Keydmedia Online
Farmaajo: Marka Kali-taliska gabbalkiisu dhaco

Tan iyo  bishii Febaraayo 2017, oo ku beegneyd xilligii majaraha dalka loo dhiibay Farmaajo, waxaa waddanka ka qabsoomay doorashoyin Maamul goboleed, oo ka kala dhacay Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koofur galbeed iyo Jubbaland, dhamaantood, waxa ay dhibane u noqdeen nidaamkii Farmaajo, taas oo khasab ka dhigtay in labo ka mid ah maamullada ay xilligii doorashadooda xudduudaha ka xirtaan fidnadii ay falkineysay Dowladda Fadaraalka.

Hayeeshee, Dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur galbeed, ayaa ku dhacay daminkii qoolnaa, waxaana xoog iyo xeeladba lagu geeyay Madaxweynayaal Madaxtooyada ka socda, oo u jeedka ugu weyn ee laga lahaa uu ahaa in ay ka shaqeeyaan soo laabashada Farmaajo doorashada Dowladda Dhexe ee soo socota.

Inkastoo la maamulay, muddo meelo badan lagu maray, maqaar-saarna laga dhigatay, ugu danbayn Madaxda Saddexda Maamul waxa ay u muuqdaan kuwo miyirkoodii soo laabtay, masuuliyadda ay hayaan iyo maqaamka ay xambaarsan yihiinna gartay, waxa ay qeyb ka qaateen maareeynta mowjado siyaasadeed oo Farmaajo abuuray, waxayna dalka ka badbaadiyeen dagaal ka dhan ahaa kali-taliska koraya ee wali Villada fadhiya.

Waxa ay u muuqdaan in ay garteen, gardarrada uu Farmaajo ku hayay gayiga ay ka soo jeedaan, iyo  goballada ay maamulaan, waxa ay u muuqdaan in ay ka gilgisheen gabood-falladii Farmaajo ee ka dhan ka ahaa dadka, duunyada iyo degaannada ay hoggaanka u yihiin.

Kadib Dhowr sano, oo Farmaajo magacooda sidii istiraasho ugu tirtiranayay, waxa ay hadda cagta saareen toobiyaha toosan, kadib markii ay u caddaaday in calankii Kali-talisku ciidoobay, waxayna garab iyo is-kaashaan-buureysi la sameysteen Musharixiinta uu mid kasta is leeyahay wuxuu doorashada soo socota ku yeelan doonaa saameyn xooggan.

Galmudug, oo kursiga loo boobay Qoorqoor, wali kheyr kama soo yeerin oo xaaladdeeda amni, waxa ay ka hooseysaa halkii uu ugu yimid, Koofur galbeed, oo kursi dhiig leh lagu fariisiyay Laftagareen, wax walba waxa ay ka liitaan halkii uu uga tagay Shariif Sakiin, Hirshabeelle, oo Guudlaawe, loo dhacay, waa kala go’day wax xal ahna looma raadin.

Sida loo dhisay maamulladaan, kadibna loo curyaamiyay, waxa ay marqaati ka tahay damicii Farmaajo, ee ku dhisnaa “Qeybi oo Xukun”, oo u jeedkiisu ahaa kaliya inuu Dowlad goboleedyada geysto madax maqaar-saar ah oo maalmihiisa danbe uu ku meel maro.

Waxa ay ka hor yimaadeen damaciisii muddo kordhinta, waxayna uga digeen inuu ku sii adkeysto waddadii qaldaneyd ee uu ku socday, ugu danbeynna waa ka kala dareereen, taas oo sabab u noqtay inuu noqdo maxbuus siyaasadeed oo afarta gees darbi ka xigo.

Tan iyo markii uu Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xusen Rooble, ku wareejiyay amniga iyo hoggaanka doorashooyinka, Farmaajo waxaa la daristay tiih iyo tiiraanyo, waxaana gacmihiisa ka baxay Maamullo iyo kuraas uu ku tashanayay inuu boobo.

Wuxuu dad badan ka dhaadhiciyay in Mucaaradka iyo qaar ka mid ah Madaxda Maamullada ay diidan yihiin heshiis siyaasadeed, hayeeshee dooddaas ayaa beenoowday, kadib markii wax ka yar Afar maalin lagu saxiixay heshiis doorasho, taas oo muujineysa in isagu ahaa caqabadda hor taagneyd dalka.

Farmaajo, waa la bartay oo dadka waddaniyad been ah kuma gaadi karo sidii hore, kuraas ma boobi karo oo Maamullo iyo hoggaan doorashaba gacmihiisa kuma jiraan, waa siyaasiga ugu rajada liita Musharixiinta iyo midka ugu muragada badan, maadaama loo heysto eedaha danbiyo uu galay intii uu talada hayay.

Guuleed Faarax - KEYDMEDIA ONLINE 




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.