Maxaa ka danbeeyay is casilaada Wasiirrada Dowladda ?

Iyadoo la wada ogyahay in khilaafaadka iyo muranada u dhaxeeya Dowlada uu baryahanba iska ahaa mid soo laalaabanayay oo aan laheyn xad ayaa waxaa soo ifbaxday in 3 wasiir oo ka tirsan wasiirada Xukuumada ay shaaca ka qaadeen in ay iska casileen xilikii ay hayeen.
Faallo Keydmedia Online
Maxaa ka danbeeyay is casilaada Wasiirrada Dowladda ?

Xasan Macalin oo ahaa wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo Max’ed C/laahi Oomaar oo ahaa wasiirka Hidaha iyo tacliinta sare ayaa iyaga oo ku sugan Magaalada London ee Dalka Engiriiska waxa ay sheegeen in istaqaaladooda soo gudbiyeen isla markaana ay ka taanaasuleen xilikii ay ka hayeen xukuumada, waxaana ay ku sababeeyeen istaqaaladooda in ay hankii shaqo ee ay filayeen ay waayeen isla markaana ay garawsadeen in ay is casilaan, waxa ay dhaliil u jeediyeen nidaamka shaqo ee xukuumada iyagoona xusay in ay yihiin isbadal doon.

Waxaa sidoo kale isagana shaaca ka qaaday inuu is casilay wasiiru dowlaha Gaashaandhiga yuusuf Siyaad Indhacade  kaa oo sheegay in uu ka tanaasulay xilkii uu dowlada ka hayay isla markaana uu isaga baxay xiligan siyaasada, indhacade iyo wasiirka kowaad ee Xukuumada Cumar  C/rashiid waxaa dhawaanahaba u dhaxeeya  murano iyo is eedeen, waxaana dad ku dhaw labada dhan ay sheegeen in murankooda uu salka ku hayo Maamulida hubka Dowlada, waxaana la sheegay in isfaham waagoodii kowaad uu ka dhashay arinkaasi.

Yuusuf waxa uu maalmihii u danbeeyay u muuqday mid xiriir wanaagsan la sii yeelanaya Xoogaga Ahlu suna oo ka tirsan awoodaha xiligan la jooga ku lagdamaya dalka, waxaana la wada xusuusanyahay in dabyaaqadii bishii April mar uu booqday Mowlaca Macalin Nuur Max’ed Siyaad oo ku yaala Xaafada Siigaale ee Degmada hodan isla markaana xarun u ah ciidamada Ahlu suna  uu halkaasi geeyay hub iyo rasaas, waxaana la sheegay xiligaas in uu dalbaday xarun ciidan agagaarkaas in laga siiyo si buu yiri uu uga qeyb gal dagaalka.

Isla maalinkaas Shikh Cabdulaahi C/raxmaan Abuuyuusuf oo ah xoghayaha warfaafinta Ahlu suna waxa uu sheegay in indhacade oo sida hadalka uu u dhigay ah nin dagaalka ku cidlooday iyo ahlu suna ay iska kaashan doonaan dagaalka lagula jiro Shabaab.waxana wararkii ugu danbeeyay ay sheegayaan in kadib is casilaadiisii ay sii badatay joogitaanka indhacade xeryaha ciidanka ee  ahlu suna.

 

Laakiin sheekooyinka qaarkood waxa ay sheegayaan in ay suurta gal tahay mar kale indhacade inuu dowlada ka soo horjeesto isla markaana dib uu ugu laabto Xisbul islaam oo kol hore uu ka tirsanaa, laakiin su’aasha ayaa ah talaaba ceynkee ah ayeey xisbigu qaadi doonaan hadii Mr Yuusuf uu dalbado ka mid noqoshadooda?  Hadaan ka dhignaba in xisbiga ay soo dhaweeyaan hadana waxaan ognahay in xisbul islaam iyo Dhaqdhaqaaqa shabaab ay isku deegaano yihiin siday ugu suurta gali kartaa in mar kale meel ay xarakada shabaab ka dhawdahay uu yuusuf indhacade oo mudadii dowlada uu ka mid ahaa af iyo adanbi dagaal kula jiray uu ku tagi karaa?

Dadka siyaasada lafa gura waxa ay sheegayaan in indhacade uu yahay nin gadgadoon badan isla markaana mowqifkiisa aan la saadaalin Karin isla markaana talaaba walba inuu qaado ay suurta gal tahay .

Wasiiru dowlihi madaxtooyada iyo wasiirka hidaha iyo tacliinta sare ee Dowalada oo iyagana is casilay ayaa sida laga wada dharagsanyahay waxa ay ka mid yihiin wasiirada xiriirka dhaw la leh Madaxweyne shariif shikh Axmed waxaana la aaminsanyahay in is casilaadooda laga soo abaabulay Madaxtooyada isla markaana uu dhiira galiyay Madaxweyne shariif oo hada hardan siyaasi ah uu kala dhaxeeyo R.wasaare sharma’arke  waxaana wasiiradan ay yihiin ku inta badan ay xog wadaag yihiin Madaxweyne Shariif, tusaale Xasan Macalin tan iyo waagii olaolaha wada hadal ee jabuuti uu socday ayeey saaxib dhaw ahaayeen shariifka waxaana uu ahaa la taliyihiisa gaarka ah.

Laakiin dhanka kale waxaa xusid mudan in idilka arimahan la xiriira is casilaada iyo khilaafaadkaba ay tahay sagootintii Axmed Walad C/lle u qeybsanihii hore ee QM arimaha soomaaliya, waxaana dadka qaarkood ay aaminsan yihiin Mr C/lle oo iska horkeenka iyo muranada mas’uuliyiinta Dowlada dowr weyn ka cayaaray, waxaana dadka qaarkood ay rumeysan yihiin in iminka oo xilkii laga qaaday wali aanu ka lug baxsaneen arimaha soomaaliya isla markaana galangal weyn uu ku leeyahay siyaasada Soomaaliya.

Sidoo kale wasiirada is casilay waxaa ka mid ah wasiirkii qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah C/raxmaan C/shakuur warsame waxaana uu sheegay Mr warsame in hankii siyaasadeed ee uu filyay uu soo muuqan waayay taa ayuuna ku sheegay sababta is casilaadiisa.

Soomaalida oo ah bulsha Afkumaalnimo alle ku ma neestay isla markaana waxa ay arkaan ku cabira murti Maah maah iyo Xikmad ayaa tiraahda Fulay xantii Ma mooga .

Taa waxaan uga gol leeyahay maalin kadib markii ay soo bateen wasiirada is casilaya isla markaana hadal heynta ku aadan in Madaxtooyada lug balaaran ay arimahaasi ku leedahay ayaa warsaxaafadeedkan laga soo saaray xarunta Madaxtooyada

kadib markii ay shalay iyo maanta is casileen dhowr wasiir oo ka tirsan xukuumadda FKM ah, ayaa waxaa batay faallooyin ku saabsan arrintaas. Qaar ka mid ah saxaafadda iyo dadka siyaasadda taxliiliya ayaa is-casilaadda wasiirada ku macneeyeen in ay tahay mid Madaxtooyadu wax ka og tahay ama Madaxweynuhu uu ku doonayo in uu ku culaysiyo Wasiirka 1-aad.

Waxan caddayneynaa in arrintaasi aysan sidaas u dhicin.

Is-casilaadda wasiiradu, waa mid iyaga ka timid; waana arrin dhex-taalla Golaha Wasiirada.

Dalku waxa uu ku jiraa marxalad adag, sidaas darteed, Madaxweynuhu waxa uu ku talinayaa arrimahaan oo kale in ay ka wada hadlaan masuuliyiinta ay khusayso.

Sidoo kale, iyada oo la ixtiraamayo aragtida wasiirada, haddana Madaxtooyadu uma aragto is-casilaadda qaabkan ah in ay tahay sida ugu habboon oo xal lagu gaari karo

Wasaarada warfaafinta oo ka hadashay iyana is casilaada wasiirada ayaa waxa ay sheegtay in aanu howlaha xukuumada arimahaasi waxba u dhimi doonin isla markaana la buuxin doona wasiirada is casilay boosaskooda.

Laakiin su’aasha ayaa ah hadii uu jiro han Dowladeed oo intaa la eg maxaa kol hore loo buuxin waayay wasiiradii geeriyooday boosaskooda oo aan ognahay kaliya in la buuxiyay booskii wasiirka hidaha iyo tacliinta sare ?

Dhanka kale wararka qaarkood waxa ay sheegayaan in wasiiradan is casilaya ay yihiin kuwa ka didsan isku dhaf la sheegay in dhawaan R.wasaare Sharmar’ke uu damacsanyahay inuu sameeyo kaas oo wasiiro cusub oo la aaminsanyahay in dhanka Ahlu Suna ay ka iman doonaan lagu magaacaabi doono isla markaana kuwa hada shaqeeya xilka looga qaadi doono, waxaana sheekooyinka qaarkood ay sheegayaan in wasiirada hada is casilay kuwa ka mid ah dib loo soo magacaabi doono .

Laakiin waxaa in leys xasuusiya mudan in Dowlada wasiiradeed qaar ay is casileen kuwa kale hada ay qorsheynayaan, Madaxweynaheeda iyo Ra’iisul wasaaraheedana ay is khilaafsanyihiin kaliya dhaq dhaqdhaqaaqeeda uu ku koobanyahay 6 Degmo oo ka tirsan gobalka Banaadir kuwaa iyagana ay ka dhacaan qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

 

Ma ogtahayse akhriste in Madaxtooyada oo ah fadhiga ugu weyn ee dowlada ay u jiraan dhinacyada diidan nidaam maamulka Dowlada fogaan ka yar 2 KM  hadaba taliska ceynkaas ah ee hoostiisa marasta iyo maatada ay gaajada, dhibaatada iyo xabada ugu geeriyoonayaan maxaad ku tilmaami laheyd?

 




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.