Mucaarad daciifsan

Faallo Keydmedia Online

Maalintii Sabtida, 19 Juun 2021, RW M. X.  Rooble wuxuu soo saaray liisaska guddiyada doorashada federaalka 2021 ee heer dowlad goboleeed, heer dowladda federaalka, heer Banaadiriga Gobolka Benadir, heer Soomaliland ee Muqdisho, iyo guddiga xallinta khilaafaadka ka kooban 21 xubnood oo dalka oo dhan u xilsaaran.

Mucaarad daciifsan

Xubnaha la magacaabay waxay ku dhow yihiin ilaa 100 xubnood.

Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha JFS qaarkood waxay soo saareen qoraallo ay ku soo dhaweynayaan magacaabista guddiyada, qaar waxay geliyeen shaki, qaarna waa ka aamusan yihiin ilaa hadda.

Saddex sababoodba, waxaa aad iiga yaabiyay Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha soo dhoweysay magacaabista guddiyada isla saacadihii la soo saaray magacyada Xubnaha guddiyada oo aysan la socon faahfaahin sawir ka bixineysa taariikhda Xubin kasta si loo qiimeeyo.

1. Ma maqal shirar mucaaradka iyo dowladda heer federaal (RW Rooble) iyo DG ay uga wada hadleen Xubnaha guddiyada doorashada ka hor inta aan la shaacin;

2. Musharrixiinta dhabta ah waa mucaarad ka soo horjeeda ama la tartamaya Madaxweynaha talada haya. Sidaa awgeed, musharrax kasta waxaa laga filaya inuu mar kasta hubinayo go’aannada dowladda ka hor inta uusan mowqif qaadan. 

3. Musharrax kasta waxaa kaloo laga filaya inuu hubinayo guud ahaan liisaska guddiyada doorashada si uu u qiimeeyo kalsoonida lagu qabi karo guddiyada guud ahaan. Ma filayo in Musharrixiinta soo dhoweysay liisaska guddiyada doorashada heleen waqti ay ku hubiyaan liisaska, isla markaana ku raadiyaan xogta xubnaha tirada badan ee aysan aqoon taarikhd nololeedkooda. Xilka musharraxa ma ahan inuu qof bartilmaan u yahay. Waa inuu qiimeeya ficilka iyo go’aammada Xukuumadda uu mucaaradka ku yahay ee uu rabo inuu beddelo.

Halkaas waxaa ku jira in Musharrixiinta qaarkood degdegeen oo aysan si buuxda ama aysan welwel badan ka qabin musuqmaasuqa iyo hagardaamada dowladda federaalka oo RW Rooble matalayo lagu eedeynayo, lagu tuhunsan yahay inay caado u tahay. RW Rooble wuxuu wakiil ka yahay oo kor ka ilaalinaya farmajo oo si sharcidarra ah ku sheeganaya xilka Madaxweynaha, isla markaana doonaya inuu xukunka haysto.

Musharrixiinta ay dhab ka tahay in isbeddel dhaco oo Madaxda haysa xilka dowladda federaalka la beddelo waa inay ku dadaalaan in dalka ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah ee aan hadal aheyn ee ficil ah ka hor inta aan la dooran Madaxweyne. Haddiise Musharrixiinta qaarkood leeyihiin ujeedooyin la mid ah kuwa Xilka haya waa khiyaano weyn ee dadka iyo dalka Soomaaliya lagu dhaawacayo.

Dariiqa saxda ah wuxuu yahay in mushaarax kasta ee isbeddel doonka ah inuu darso dhammaan liisaska guddiyada doorashada, isla markaana Musharrixiinta isbeddel doonka ka shiraan, kaddibna ka soo saaraan war wadajir ah.

Guddiyada doorashada waa asaaska doorasho xor iyo xalaal ah. Guddiyo aan laheyn kartida, waayo aragnimada, aqoonta, iyo xilkasnimada looga baahan yahay doorasho xalaal ah, xor ah, daahfuran ma gudan garaan mas’uuliyadda qaran ee Soomaaliya u ooman tahay.

Dr. Maxamud M Culusow




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.