Qaran Dumin & Qab-Weyni (QEYBTA 1AAD)

Prof.Maxamuud Iimaan Aadan - Virginia, USA Siiba Gobollada Koofureed, nin walba waa isla quman ahay qaranimadiina cid walba dacalkeeday jabsaday waana lagu kala hadaafay. Hidde iyo dhaqan waa laga tagay. Qiimayn iyo qaddarin waa la aasay. Xigto iyo xidid waa kala anfariireen. Wax kale iska daaye, ugaadhii iyo dhirtii hooska iyo bilicda lahayd waa la dabargooyey oo wax la shitay iyo la dhoofiyo aya ku dhammaatay. Kadib markii abaaro soo noqnoqda ay dalka ku habsadeen, daaqsintiina yaraatay, xoolihii waa le'deen, duur-joogtiina dalka waa ka qoodeeyeen si ay naftooda u badbaadiyaan. Nabad li'ida iyo hayaanada darteed, roobkiina waa yaraaday, taasuna waxay keentay in shimbirihii dalka ka tagaan markay waayeen mirihii iyo baalalleydii ay ku noolaayeen.
Faallo Keydmedia Online
Qaran Dumin & Qab-Weyni (QEYBTA 1AAD)

Wax kasta isbeddel gurracan baa ku dhacay, koox yar baana dhibaatooyinkaas sababay. Kii talin jirey waa talo-seegay, tuuggiina waa tanaaday. Aamindarro iyo is-afgaran baa uur-kutaallooyin daqniyey. Dadkii magacoodii iyo abtiriskoodii waa wataan, haddana garaadkoodi waa dallagan yahay. Qof walba waa kaad tiqiin, haddana waa maan silloon yahay.

Nin kastaba dan gaar ah buu sitaa, baaquna waa shirweyne halaysugu yimaado, waxgaradna yuu harin. Xaajooyinka laga hadlayo ha lagu sii heshiiyo, shir-guddonkana hala magacaabo. shirku waa furan yahay, korsocodkuna waa hogan yahay. Warfidiyeenku waa xush xush leeyahay wax walbana way u kuurgalayaan. Rajada iyo walaacu waa is-huwan, waase midkii soo hormara.

Waxgaradka iyo wadaniga waa la xusliya waana la afjigaa, dabadeedna way iska huleelaan. Bulxanka iyo wadafaqu ma yara, waxayna ku salaysan yihiin: Annagaa madaxnimada mudan iyo maya ee annagaa cid walba kasii mudan. Beel walba madaxweyne ayay isu soo taagtay, ummadduna kama yara 170 beelood. Dullaaliinta siyaasadda ayaa cid walba doocdoocisa. Madaxnimaduna waa iib oo ninkii hanti badan baa guusha ku leh. Halhaysku waa: “Ama cadkanu ku cunay ama ku ciidow.” Ma jirto cid soo bandhigta hawl-qabadkeeda, dhaartuna waa af iyo been. Madaxnimadu ma aha xil dadka loo qaadayo  ee waa hantibursi. Jileyaasha siyaasadda waa rag cusub oo aan hore loo tijaabin waxay galaan iyo waxay gudaan. Bal adba garo mudane Dibbiroweyne, Duub-Weyne, Dadbane, Duqeeye, Daacad, Beendige, Dibjir, Darbane, Burcad, Nabad Diid, Qoslahaye, Qiilmawaaye, Dumiye, Docfaruur, iwm. Gogosha fidsan, talasiinta dahsoon iyo tusaalayntu waa kuwii hore oo garhaya: Dagahaye, Gacmafur, Ildab iyo intay isku danta yihiin.  

Shirkuba waa gole geel. Wax meelmar ah laysma yiraahdo, wax lays yiraahdana lama waayo. Isu tookhiddu ma yara, waxaase kasii badan, dhoolatuska, aftahanimada, wax is-tusaalaynta iyo jiiftada dahsoon. Nin walba wax buu la guuxyaa, hal-ku-dhagguna waa sidatan: “Ama buur ahaw ama buur ku tiirsanow” “Kala qaybi oo xukun.” “Lafo gari ayagaa laysku jabiyaa.” “Nin qorrax kugu dilay hoos kuguma jiido.” “ Hooyaday ninkii guursada waa aabbahay.” “ Uur ku jir hooyadiis buu ku gawracan yahay,” “Tagta daayoo timaadda qabo,”iwm.

Xubnaha shirku qurux badanaa. Xarago iyo majaaillo badanaa. Raggu wada aftahan xul ah. Xarragada iyo dhalaalka xubnaha shirku aragtiday buuxiyaan:  Gar cas, shaal xariir ah, koofiyadda naku yaqaan, bakooradda xardhan, kabaha jiic leh, tusbaxa dhalaalaya oo la rog-rogayo..., iwm. Raggu waa gacal is kaftan yaqaanna. Intaas waxaa dheer, is-habsiinta aan laabta jirin, gacan-qaadka beenta ah, kaftan iyo jiiftada, doodda furan iyo majaajillada. Dadku uma eka kuwo is-diiddan, natiijada shirkuna waa sidii hore loo yiqiin, guuldarrana looma qaato! Tanu naga xumaataye mid kale hala qabto baa lagu kala tagaa. Haddana kan dambe wax masoo kordhiyo. Laysma afgarto rubuc qarnina waa la gaaray!

Sannad walba sannad kale ayaa looga gudbaa oo dhallaankii dhashay shirkii koobaad baa kan dambe xog-hayn ka noqda. Talaxumada layskuma ceebiyo oo waa laysu soo haanyoodaa. Is-bahaysi iyo is-gobolaysi baa qaar isku- afgartaa inta kalena walaac, waalli iyo walbahaar bay ku kala tagtaa. Halkaas waxaa kasii dhasha kooxo kale oo dantooda maquunsada xaajada sii walaaciya.

Aragti gurracan baa dhalata oo koox yari hor-boodayso. Dawladu inay dhalato lama jecla oo canshuur baa u baaqata. Caddaaladdu waa cadawga dambiilaha. War daaraha aan ku dangiigo yaan dib loola wareegin, dadka iyo dalka yaan loo diirnixin, iwm. Laysma warsado maxay ku dambayn. Gole marqaan baa qorshaha dawladnimo lagu faaqidaa, kaasuna waaga lama baryo. Jileyaashu waa magacyo badan leeyihiin, mid walbana dan gaar u ah la hullaaban yahay. Kuwaa maleega xeelado luggooya heshiis kasta oo la gaari lahaa. Kuwaa u taagan colaad hurin iyo dagaallo sokeeye. Reer hebel reer hebel ku dir bay ku hawlgala. Kuwaa fuushan maroodi buubaal, haddana u gacan-togaalaynaya xukun dawladnimo. Xildhibaan xil ma hayo, magac-beeleed buuna xildhibaan ku yahay.Kuwo badan ayaa kuwaan lugta sii haysta. Nin walbow jeebkaaga, nabiyow ummaddaada ayay ku dambaysaa!

Sidee wanaag u dhalan haddaan xumaanta la takoorin? Kii wax dila haddaan dambigiisa lagu qaadin...! Kii ku xadgudba danta bushada iyo magaca ummadda haddii xalay dhalay laga dhigo...! Kii talo-xun ku taliya haddii la caleemasaaro...! Mardadabaanka haddii la ammaano, diradiraalahana la duubo...!

Halabuurka dhaqankan yaa curiyey...? Siyaasiinta ayaa dadku farta ku fiiqaa...Yaa maleega aragtidan gurracan...? Danayste iyo nabdiid baa lagu xagliyaa. Yaa dabargooya danta dadweynaha...? DibbiraWeyne iyo dadkiisa. Yaa duqeeya dadkiisa...? Dudumiye. Yaa ku doogsada dandarrada dadkiisa...? Dadbane. Yaa...! Yaa...iwm.

Daacad waa warfanayaa, hawluhuna waa ku keligiis. Hiillo ma haysto oo dhibka waa iska nin tooxsadaa. Mana quusto mana qalbi jabo. Ma eed yara mana ammaan la




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.