Qaran Dumin & Qab-Weyni (QEYBTA 2AAD)

Prof. Maxamuud Iimaan Aadan - Virginia, USA Part two
Faallo Keydmedia Online
Qaran Dumin & Qab-Weyni (QEYBTA 2AAD)

Daacad hooyadiis: Hooyo...? Meeday hantidii badnayd ee dunidu noogu deeqay...?

Daacad: Daara lagu dhistay. Dibaddaa la dhigtay. Wiilal baa loogu aqaldhisay. Marti baa lagu sooryeeyey oo dacallada loo buuxshay. Ehel baa logu maalgeliyey. Qaraabaa loo rujiyey. Saaxiib wax baa wax laga siiyey, haddana waan yaboohsanaa.

Hooyo: Oo maandhow dad weynaha miyaan waxba soo gaarin...?

Daacad: Maya, hooyo.

Hooyo: Maandho hal fasal kuley ku tahay miyaan weli wax dhisin?

Daacad: Hooyo, waxa dawladdu tiraahdo waa madadaalo af iyo been ah.

Hooyo:  Maandhow tanu miyayna ahayn tii danta guud wax ka qaban lahayd...?

Daacad: Hooyo, weli taasu ma dhalan oo waa la sugayaa.

Hooyo: Maandhow yaa noo taliya?

Dacad: Hooyo, cid walbaa noo talisa.

Hooyo: Raggii Leegada weli wax maka nool yihiin?

Daacad: Hooyo, iyaga iska daaye kuwaase, ilmahoodii baa la ugaarsadaa.

 Hooyo: Maandhow burcad-badeed goormuu dhashay...?

Daacad: Hooyo, burcad-badeed waa jirey ilaa maalintii aanu xornimada qaadanay, waase dahsoonaa.

Hooyo: Maandhow burcad-badeed muxuu yahay...?

Daacad: Burcad-badeed burcadnimada waa looga sii horreeyey.

Hooyo: Maandhow yaa burcad-badeed kasii darnaan kara...?

Daacad: Waxaa kasii daran-Buracad bulsho, burcad booba hanti qaran. Burcad siyaasadeed afduuba rabitaanka ummadda. Burcad diimeed silloon. Burcadda nabadda baajisa. Burcadnimada diidda horumarka ummadda. Burcadnimada dawladnimo hortaagan. Burcadnimada agoonta iyo danyarta dulunta. Burcadda wiiqda sharafta ummadda. Burcadda diidda u gargaaridda danyarta. Burcadda cadawga la bahoowda. Burcadda badda sumaysa. Burcadda majaxaabisa walaalnimada Soomaaliyeed. Kuwa colaadda ku naaxa, kuwa nin-doorka dila, kuwa raashinka duuga, kuwa canshuurta diida, kuwa dadka dabka isugu dhiiba, iwm.

 

Hooyo: Alla abtiris badanaa! Maandhow burcad-badeed baan maqli jiraye, kuwaano xagee ka yimaadeen...?

Daacad: Hooyo, kuwaano iyagaa burcad-badeedda dhalay. Iyagaa laga aflaxay, ayagaana loo afduuban yahay.

 Qurbajogtu ma rajo badna haddana ma rajo dhigin. War BBCdu maxay sheegtay...? War maxaa shirarkii meel hebel kasoo baxay...? War nabaddii mala sugay...? War dadkii la barakiciyey wax maloo qabtay...? War madaxnimadii ma lagu heshiiyey...? War harddankii siyaasadda ma laysku afgartay...?

Gobollada horumka sameeyey nabaddana sugay ma lagu dayday...? Siyaasiintu mays afgaratay...? Ildab muxuu naga maaggan yahay...? Dagahaye miyaan weli u afduubanahay...? Dalka yaa u taliya...? iwm

Daacad Hooyadiis: Maandhow aqoonyahan doorkuu lahaa ma kasoo dhalaalay?

Daacad: Wax iskood u dalaabay, wax dantooda u shaqaysta iyo wax ku biiray duqowdii beelahooda ayay u kala baxeen.

Hooyo: Maandhow siyaasaddu maxay tahay?

Daacad: Waa khatalaad iyo danbursi.

Riwaayadaha dadka lagu jahawareeriyo iyo jileyaashuba ma farabadan yihiin, dadka iyo duunyaduna qorraxda ayay hoganayaan.  Kuwa ba




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.