Qaran Dumin & Qab-Weyni (QEYBTA 3AAD)

Prof. Maxamuud Iimaan Aadan - Virginia, USA Part three
Faallo Keydmedia Online
Qaran Dumin & Qab-Weyni (QEYBTA 3AAD)

Qiilmawaaye: Adeer, waa sida Burcad uu sheegay. Dhallinyarada waa laga gardaran yahay. Wuxuu dabajoogaa kalluunkii laga boobay, shabaagtii laga jar jaray iyo doonyihii laga burburiyey. Anigu taas magdhaw baanu u aragnaa, dadka kalena xad-gudub badeed. Burcad waa xaq ku dirir geesi ah.

Daacad: Qiilmawaayow qalabka laydinka burburiyey ma magtii Bucur Bacayrbaa? Yaa taas kaa akhrisanaya?  War dhallinyarada halaag haku dilin, annagana magaca hanaga dhaamin.

Daacad hooyadiis: Maandho burcad badeed muxuu yahay?

Daacad: Waa tuugga badda ku dhaca wuxuusan lahayn, hase yeeshee inta burcadnimada lagu tilmaamo intaas waa kasii badan yihiin.

Hooyo: Maandhow yaa burcad-badeed weheliya?

Daacad: Hooy, tiradooda halka laguma soo koobi karo oo waa fara badan yihiin: Waxaase kamid ah kuwa xukunka marooqsada. Kuwa dhaca hantida qaranka. Kuwa dadka isku-dira. Kuwa barakiciya danyarta iyo agoonta. Kuwa nindoorka gaadmada ku dila. Kuwa buunka beenta afuufa. Kuwa deriska colaadiya. Kuwa cadawga soo baal-gashada. Kuwa aqoonta ciribtira. Kuwa hiddaha iyo dhaqanka suubban dhalan roga. Kuwa bulshada ka digta sallaan ay dantooda ku fuulaan. Kuwa aan samaanta ku fakarin. Kuwa Soomaalinimada diiddan, Kuwa isir takoorka baahiya. kuwa dawladnimada hortaagan, kuwa diinta ku gabbada, iwm.

Hooyo: Ba




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.