Saxaafada Soomaaliya:  Lagdanka laaluushka iyo danaha bulshada

Mihnada saxaafada sideedaba waa xirfad u baahan aqoon, waaya aragnimo, karti iyo hufnaan waxaana is biirsiga arimahaasi oo idil ay keeneyaa jiraalka saxaafad dhab ah oo ka run sheegi karta waqtiga iyo waayaha.
Faallo Keydmedia Online
Saxaafada Soomaaliya:  Lagdanka laaluushka iyo danaha bulshada

20-sano ka hortow Soomaaliya kama jirin saxaafad leh dhaqaaq nidaamsan, kaliya waxaa dalka ka jiray  warbaahin ku shaqeyn  jirtay nidaamkii kacaanka ee xligaa talinayay taa dharaar walba iyo galabnimadeeda dhagaha shacabka ku afuufi jirtay rabitaanka kacaanka iyo buunbuunintiisa.

Burburkii kacaankii 21-sano kadib dalka waxaa ka hanaqaaday warbaahin xor ah taa oo u bareertay cabiraada ra’iyga iyo soo bandhista afkaaraha daahsoon  waxaana u badnaa warbaahintii xiligaa bilaabatay wargeysyada oo aan tusaale kooban ka dhigan karno xog-ogaal, Baaldeeq, banaraama iyo kuwa kale oo badan.

Inkastoo talaabadaasi ay aheyd howl bilaw wanaagsan ayaa hadana waxaa ayaan daro noqotay in iftiinkii warbaahinta ee soo shaac baxay ay isku gadaantay daruur huwan hanka qabiilka waxaana arinka uu ku biya shubtay in wargeys walba uu qalinkiisa ugu adeego danaha beesha waxaana sheekada markay halkaas marayso u muuqaal ekaatay “dhaan dabagaale sinaba loo gaari waa”.

Walow burburkii kadib dhawr idaacadood ay ka hanaqaadeen dalka hadana ma aheyn idaacadahaasi kuwa si madax banaan u shaqeeya ee waxa ay ahaayeen kuwa ku lug xiran kooxihii dagaalada ka hurinayay dalka iyo ciidamadii shisheeye  ee Dalka ku sugnaa xiligaas waxaana tusaale u sooq aadan karnaa RADIO CALI MAHDI, RADIO CEYDIID, IYO IDAACADII RAJO oo aheyd iyadu mid ku hadasho codka ciidamadii UNISOM isla markaana danahooda ka shaqeyn jirtay.

 

Wixii ka danbeeyay 1999 waxaa dalka gaar ahaan Magaalada Madaxda Muqdisho ka hanaqaaday idaacado Madax banaan oo ku dhisan nidaam ganacsi waxaana halkaasi ka dhashay tartan warbaahineed oo aan buurneyn, iyadoona dhaxalka loolanka warbaahinta uu noqday in kaliya Muqdisho ay ka howl galaan 14 FM RADIOS  oo ay wehliyaan saldhig wareedyo ay leeyihiin TV-yo ku hadla afka Soomaaliga oo dunida dacaladeeda ku yaal waxaa intaasi ku sii darsan warbaahinta casriga ah ee ku shaqeysa qaabka Online-ka (WEBSEEDYO), waxaase xusid mudan in idilka noocyadaasi xarumo warbaahineed aanu ka lug baxsaneen nidaamka ku saleysan qabiilka iyo qabiileysiga.

Dagaalada ka soo cusboonaaday Xiligan Soomaaliya ee ay ku lugta leh arimaha diinta  warbaahinta waxa ay kala kulantay xanibaad ba’an iyadoona dhan walba uu u xusul duubayo hanashada hogaanka warbaahinta  waxaana nidaamka shaqo ee warbaahinta Maanta uu yahay “ Aan qoree qalinka ii qabo”  waa su’aale suxufi qada qalinkiisa lala maamulo waxa soo saarkiisa muxuu noqon karaa? Inteebaase lagu kalsoonaan karaa xogta uu tabinayo? .

Mudadii u dhaxeysay 2007-2010 Dalka haba ugu badnaatee caasimada Muqdisho waxaa  lagu dilay ku dhawaad 20 suxufi oo uu ugu danbeeyay Shikh Nuur Max’ed Abkeey oo ka mid ahaa  dadka tirada yar ee dalka kaga sugan waaya joogii hore ee saxaafada.

Dadka maanta ka shaqeeya  mihnada saxaafada oo u badan dhalinyaro aan u bisleyn aqoon ahaan shaqada saxaafada isla markaana sharciyadeeda aan baran ayaa waxa ay yihiin  kuwa sharafkii mihnada uu kala weynyahay laaluushka oo ay iyagu ugu magac dareen “Sharuur”, lacagahan sharuurka la yiraahdo hadaan sawir guud ka bixino waa kuwa laga qaado  dadka iyagu doonaaya in afkaarahooda qaldan ay  ku baahiyaan dhagaha bulshada ma ogtahayse in dadkaasi iyo dhalinyaro saxaafadeedka Maanta uu dhex maro gorgortan  sida dad macaamil ganacsi uu ka dhaxeeyo oo kale.

Talaabada tan ee laaluusha qaadashada ah waxa ay xanibtay in masraxa warbaahinta ay ka dhex muuqan waayaan dadka wax galka ah sida aqoon yahanka oo kale, waxaana hog dheer lagu tuuray codkii bulshada aan codka  laheyn sida dadku dagaalada ay saameeyeen, dhibanayaasha IWM kuwaa oo ay aheyd in warbaahinta ay u adeegto isla markaana ay soo bandhigto waxa laabtooda ka guuxaya.

Ma ogtahay in sababta dadkeena dal iyo dibad meel ay joogaanba ay uga  bogsan la’yihiin cudurada ka dhasha naxdinta iyo wal walka ay tahay mid laga dhaxlay hubsasha la’aanta turxaab bixin la’aanta iyo mas’uuliyad darada saxaafada.

Saxaafada iyo suxufiyiinta maanta marka laga reebo tira yar oo alle u gar gaaray waa calooshood u shaqeestayaal isla markaana qalabkooda ugu adeega cida ay ka helayaan  shilimaadka yar ee laaluushka ah oo ay ka doorbidaan shaqada bulshad.

Laaluush qaadashada wariyaasha iyo Madaxda Warbaahinta waxaa loo aaneynayaa milkiilayaasha ganacsatada ah oo loogu shaqeeyo mushaar hoose ama mushaar la’aan , warbaahinta geyiga Soomaaliya looga yaqaano magac shaqo ku badalasho taa oo macnaheeda uu yahay in wiilka ama Gabadha yar ee xiisaha u qaba ka dhex muuqashada  howsha warbaahinta laga faa’ideesto isla markaana  mushaarkooda laga dhigo ka dhex muuqashada Magacooda xaruntaasi warbaahineed.

Ugu danbeyn xiliga kan ee adag Soomaaliya waxaa looga baahanyahay warbaahin uu hagayo caqli ka fiyow laaluush, eex, qabiileysi iyo nintooxsi  waxaana hirgalida qodobadaasi ay suurtagalin kartaa in dadku ay helaan xog sugan misna dheeli tiran.

Laakiin hadii aan taasi la helin waxaa sii badan doona dhibaatada iyo cudurada ay warbaahinta maanta jirtaa dadka soomaaliyeed dhaxalsiisay waxaana la gudboon  shacabka in ay feejigneen dheeri ah ka muujiyaan  qatarta warbaahinta qibrad la’aanta ku dhisan ee ay il wareedka ka dhigteen.

Hadaba Akhrista ma dareensantahay xogahaasi ay odarastay warbaahinta keydmedia.net ee ku saleysan qaab howleedka warbaahinta maanta? Maaxdse fikrad ahaan aad ku dari laheyd?

 

Keydmedia.net

 

 




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.