Farrin ku socota

Shacabka Muqdisho

Faallo Mohamud M Uluso

Muqdisho waa Caasimada Soomaaliya, xarunta Dowladda dhexe, isla markaana waa Gobolka Benadir. Waa magaalo dad badan ku nool yihiin kuna haystaan dano kala duwan, waa magaallo aan istaahilin Kaliye taliye kale. 

Shacabka Muqdisho

Muqdisho burbur iyo barakac ballaaran ayaa ka dhacay dagaalkii Dowladdii AUN Maxamed Siyad Barre talada looga tuuray, kaddibna isu beddelay dagaal sokeeye si loo hanto xukunka Muqdisho loona sheegto xukunka dalka oo dhan.

Farmajo oo aan ka talin magaalada Muqdisho oo dhan ayaa aaminsan inuu ka taliyo Soomaaliya, uuna u soo jiidayo dhibaatooyin dadka iyo dalkaba.

Dadka ku nool Muqdisho waxay qabaan dhibaato ay dowladda dhexe mas’uul ka tahay, dhibaataaso ah in dadweynaha laga qaado canshuur aysan ku helin nabadgelyo, difaac, iyo daryeel kale. Shabab ayaa noqday dowlad kale oo dadka Muqdisho canshuur iyo baad ka qaada, isla markaana dowladda dhexe aysan waxba ka qaban, lagana rajeyneyn inay wax ka qabato.

Waxaa aad iyo aad muhiim u ah in dadka nool Muqdisho grawsadaan in Muqdisho aysan ka badbaadi karin dagaal iyo burbur haddii dowladda dhexe ee Muqdisho fadhisa aysan aheyn dowlad wanaagsan, dimoqradi ah, haysata kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ku nool yihiin Gobollada kale, waayo muwaadin kasta oo xaqdarro iyo gocasho ka sheeganaya dowladda dhexe wuxuu kula dagaalamaya Magaalada Muqdisho. Sidaas oo kale, muwaadiniinta qabta inay ku dulman yihiin tartanka siyaasadda iyo hoggaanka dalka, waxay dagaal ka bilaabayaan Muqdisho.

Sidaa awgeed danta iyo mas’uuliyadda dadka ku nool Muqdisho waxay ku jirta inay ahmiyad siiyaan in dowladda dhexe Soomaaliya ay tahay dowlad sharciga hoggaaminayo, dimoqradi ah, musuqmaasuqeeda yar yahay. Haddii kale, waa inay diyaar u ahaadaan dagaal iyo burbur. Haddii kale waxaa u furan inay codsadaan in xarunta dowladda dhexe laga wareejiyo magaalada Muqdisho.

Maanta waxaa la maraya in farmajo iyo koox taagersan ay go’aansadeen inay xoog iyo sharcidarro ku xukumaan Muqdisho iyo dalka, hor istaagaan xuquuqda muwaadiniinta soomaaliyeed u lahaayeen ka qayb galka siyaasadda, u tartanka matalaadda shacabka iyo hoggaanka dalka, taaso qasab ka dhigeysa inay u dagaalamaan difaaca xuquuqdooda.

Waxaa la maraya Madaxweyne iyo Xildhibaanno lagu doortay hab doorasho dadban, dhammaaday muddo xileedkoodi ay TV Aljazeera iyo Shabelle ka sheegaan inay rabaan inay xukunka haystaan, kuna andacoodaan inay doorasho hal qof iyo hal cod qaban doonan sidii inay ayago awood gaar ah u leeyihiin go’aan gaarista doorashada Soomaaliya.

1da Agoosto 2012 ayaa dastuurka kmg lagu qoray doorashada hal qof iyo hal cod. Xildhibannada Barlamaanka 10 iyo farmajo waa ogaayeen 1da Jennaayo 2017 habka doorashada la rabo in looga guuro doorashada dadban, shaqada la soo qabtay ilaa waqtigaas, iyo shaqada baaxadda leh ee waajibka ah in la qabto, shaqadaasoo ugu horreyso dhamneystirka dastuurka kmg oo heshiis soomaali ka dhexeeya.

Inta laga leexday wax qabashada dhammaan arrimihii mudnaanta lahaa ayaa lagu mashquulay boobka doorashooyinka Dowlad Goboledyada, kaddibna 12 Abrile 2021 ayaa ummadda soomaaliyeed loo sheegaya in doorasho hal qof hal cod la qaban doono 2 sano kaddib dhammaadka muddo xileedkeeda Madaxweynaha iyo Barlamaanka, taaso ah amar ku taagleyn aan geed loogu gabban.

Inta ahlu caqliga ah waa diideen go’aankaas waxayna ballan qaadeen inay ka falcelinayaan sida ugu dhaqsida badan. Waxaase laga digay cawaaqib xumada ka imaaneysa go’aankaas sharcidarrada haddii aan dhaqso looga noqon.

Farmajo iyo taagerayaashiisa ma akhrin mana garan macnaha uu xambaarsan yahay dastuurka kmg, mas’uuliyadda dowladnimo, iyo awaamirta diinta islaamka. Ilaahey wuxuu umaddiisa uga digay inaysan oran ku hadlin wax aysan sameyneyn. Kuwa yiraahda wax aysan qabaneyn ama aysan raaceyn waa qurun, waana in laga fogaado. Waa munaafiqiin.

Soomaali oo dhan waxay dhegeystay farmajo oo leh kororsiga muddo xileedka waa xaaran, waa fidno, lamana oggolaan karo. Sidaas oo kale Maxamed Mursal oo leh Golaha Shacbiga awood uma lahan kororsiimo muddo xileed, maantana waxay ku andacoonayaan in go’aanka muddo kordhiska 2da sano ee lagu khasbaya shacabka Soomaaliyeed uu sharci yahay, taaso been ah sida ay ayaguba horey ugu sheegeen dadweynaha Soomaaliyeed.

Shacabka Muqdisho waa inay taageeran kacdoonka shacabka Muqdisho uga soo horjeedaan ku tumashada dastuurka, diinta islaamka, dowlad wanaagga, iyo nidaamka dimoqradiga ah oo ku tiirsan ku dhaqanka sharciga.

Dr. Maxamud M Culusow




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.