Waxaan ku dhex noolnahay ARGAGAX!!!!

Dr. Ismacil Malas Nairobi - Waa goor aan bas saarnaa, kaasoo noociisu ahaa basaska loo yaqaano Caasiga, waa barqo roob shuux ah uu da’ayo, waxaa na joojiyay koox wadaado lagu naaneesay “Gaangis” ama maafiyo sidii haanti gunteedu talantay, hadaan laga gaarin dhameestirkeeda waliba si dag dag ah aan loola kaashan beesha caalamka, daboolkana laga qaadin dhuuni qaatayaal ku dhex Milan Dowlada ku meel gaarka ah loolana kaashan sirdoonka caalamiga ah kooxdu Cancer bay noqoneysaa ku faafi kara Afrika
Faallo Keydmedia Online
Waxaan ku dhex noolnahay ARGAGAX!!!!

Baskii caasiga ahaa “MINI BUS” ee aan saarnaa goor uu marayay isgoyska fagax meel ku dhaw ayaa gaangiskii shabaab isku naaneestay koox yaroo ka mid ah baskii istaajisay hadaad wajiyadooda indhaha ku kuurtid si qarsoodi ah, waxaad arkeysaa ama tabeysaa in kooxuhu koox dhab ahaan wadaada ah ay yihiin , mareyse mid ama labo isku dayaan in ay afcarabi ku hadlaan ayaad garaneysaa in ay yihiin kuwa la “talqiimiyay” Aayada iyo Axaadiista Nabi Muxuamed NNK ha ahaatee  ay yihiin.

Tusaale aan u soo qaadano dhalinyaradan gaangiska ah ee Baska istaajisay, toban baan ku qiyaasay in ay ahaayeen kan ugu weynina uu 21,22 jir yahay, kaasoo hogaamiyihii kooxda ahaa inta kalana 15 jir ayaan ku qiyaasay, kii ugu weynaa ayaa yiri: Assalaamu Caleykun, anigoo agfadhiyay darawalka   si aan u ogaado bal inuu isa saxo, waaoo “Caleykum” weeye dhawaqa ee ma ahan   “caleykun” ima sixin isna isma sixin sidaasoon ku gartay inaanuba dhawaqa saxa ah ee ereygaa aqoon u laheyn, kooxaha culimada waa weyn ee iska dhiga ee Al-shabaab iyo xisbul islaam sida loo dhisay intaanan ka hadlin, aan sheekadii baskda, kooxda maafiyada “wadaadada” iyo aniga aan idiin sharxo.

Wiilkii ugu yaraa kooxdaas si “Baraatiko” ah loo barayay  casharada argagixinta dadweynaha, kadib Markey casharo “Theory” ah soo qaateen ayaa i yiri “adiga inta farta igu soo fiiqay: Maxaad dhexda u dhuuqsatay? kooxduu la socdeyna wey dhageysaneysay, waxaan iri “adeer ma qaawanahay? Ma sarwaalkaa igu dhagan oo jirkeyga muujinaya, inkastoo aan caata ahay?.

Maya ayuu yiri anigoo is leh wuxuu oran doonaa waxaad ku dayatay reer galbeedka ana ay jawaab ii diyaarsaneed oo ah “ ilaahay waa qurxoonyahay oo wixii qurxoona waa jecelyahay” Su’aal kaloo wuxuu u booday aheyd: Buugan aad sidatid ee afka gaalada ku dhigan maxaad u sidataa? Maad carabi baratid? .

Waxaan ku  iri Nabigeennii Muxamad NNK ha ahaatee wuxuu yiri “ilaahay ma eego qaababka, ee wuxuu daalacdaa waxa qalbiyadiinna ku jira” mar haddeydan garaneyn, ama  faaxishooyin ku ahaa buugan oo dareenka bulshada wax u dhimaya.

Buugu wuxuu abaa bug aftalyaani ku qornaa oo taariikhdii qoyskii reer Kennedy ka sheekeynayay goorta aan akhriyayna waxa ay aheyd markii “Seator Teddy Kenedi “ ay dhimatay.

Adeer ma ii ogolaaneysaa in aan xadiis kale kuu raaciyo anoo is iri war ma jaahil baad ii maleeysay hadana dadka la dooda ku yiraahda isma oran, kaabihii weynaa ee kooxda yar yar watay ayaa yiri haa. Waxaan ku iri  Nabigeenna Muxamad NNk ha ahaatee wuxuu yiri oo kale:  qofkii barta af qoon ama dad kale, dhagartooda ama shartooda ayuu ka badbaadaa intaa oo kaliya maba ahee Ilaahey Suubanee Sarreeyay wuxuu kitaabka Qur’aanka ah ku yiri :

Aayaadkiisa waxaa ka mid ah, afafkiina oo kale badalan iyo qaababkiina aayadaas oo na tusaaleyneysa in dadku dadyow kale duwan yihiin, in ay midabyo, dhaqamo iyo dhulal kale duwan leeyihiin iskuna baahanyihiin, in ay dhaqamadaasi wanaagsan  iyo aqoonta ilaahay dadyowgaasi kale duwan uu ugu deeqay.

Adeerayaalow mid kalana aan idiin sheego!!! Nebigeennii Muxamad NNK ha ahaatee wuxuu xadiis ku yiri : Cilmiga Doonta arliga shiinaha haba ahaatee, Shiina oo waagaas lugeys mar ah oo waa qaarad kale, mar doonyo  is biimees ah ayaa la fuulayay, Shiinuhu waa dalalka leh ilbaxnimada qadiimiga oo carabtu waxay ka soo korarsatay  Dawa dhireedka, xiriirta oo ay ka keensatay IWM, aqoon ayeey ka soo korarsadeeen, waa uu Nabigu NNK ha ahaatee sidaa yiri “Wiilasheydiyow  Shiina af carbeed miyaa lagaga hadlayay? Waa maya sooma aha? Haa iyo maya la ima oran ee iska socda ayaa nala yiri .

Markii uu baskii dhaqaaqay  ayaa gaarigii dood buuq iyo sawaxan ka dhacay!! Duqa ma waalneyd, dadkan miyaa lala doodaa, waxay ku yiraahdaan haa lee la dhahaa, ma naxayaan, annagoo dhan baad na haligi laheyd, ay Faantooy ducadeeda waa kacday ilaahay kuwaa waa na soo muutiyay , dadkii wax ku hara anaa u danbeeyay oo dhamaan 5 daqiiqadood kadib way ka wada dageen iyagoo ka baqayay in kooxdu ay dabin noo dhigeysay oo naga daba imaan doonto,

Aniguse waxaan is iri  horjoogayaashii ayaa ka mid ah  kuwa aan dabiiciyan maandooriyaasha wax u dhibin sida daawada suuxinta ee dadka lagu suuxiyo aanay dadka qaarkood wax ku tarin inkastoo aanay badneyn.

Aan u soo noqdo balanqaadkii aan idiin balan qaaday in aan waxoogaa ka sheego kooxaha Gaangiska ah iyo xisbul islaamka Soomaaliya ee dhab ahaantii xisbul sheydaani ah .

Markii la riday Xukuumadii anile-eriga aheyd ee Max’ed Siyaad Barre ayaa qab qablayaal dagaal  isla markiiba dhasheen maxaa yeelay xeelad baas ayuu dejiyay diktatoorkii hogaaminayay kacaankii 21-october, taasoo aheyd  markii ciidamadiisu ka carareen oo Janaraal Samatar u horeeyay koofiya castii ku xigtay, xoogaa yaroo ciidan ahi la joogo “Villa Soomaaliya” ayuu amar ku bixiyay inta ay sii baxayaan uu Albaabada u furo Baqaaradii waa weynaa ee hub nooc kasta ah ku jiray, Diktaatoorka Oday wuxuu ahaa  ogaa in abtirsiinaha oo la doono qabaa’ilka iyo dadweynaha Soomaaliyeed dhami ku soo koreen, wuxuu ogaa inuu shakhsiyaad uu diyaariyay ay horaba u boobeen ama u siiyay hub. Shakhsiyaadkaasi midna ma ogeyn in Max’ed Siyaad Barre uu hub isaga iyo qabiilkiisa mooyaane aanu u qeybin .

Wuxuu sheegay odayga in Janaraal Ceydiid uu soo socdo isla markaana ay u sheegeen Sirdoonkiisa NSS-ta  una sheegeen inuu soo dhisi doono xukuumada qabiilkiisa ah uuna gumeysan doono.

Sidaa waxaa ku dhashay qab qablayaashii dagaalka ee ka hor istaagay Marxuum Ceydiid inuu Dowlada Soomaaliyeed oo Caadil ah ka dhiso Dalka, waxaa kaloo jiray Kooxa Diimeed ay ka mid ahaayeen Al islaxa iyo Al-itixaad ay ku dhex qarsoonaayeen kooxaha haatan abuurmay ee Alshabaab iyo Xisbul Islaam kuwaas oo dunida qasay si aad ahna u neceb magaca Al-islaax sida ay u neceb yihiin Dowlada KMG ah , waayo ururka Al-islaax waa urur Islaami ah oo diinta Islaamka siday tahay u aaminsan iyo in ay tahay diin xag waliba kaamil ka ah .

Intii buuqii qabqablayaasha jiray ayaa kooxhii ku dhex qarsanaa Al itixaad  waxa ay ku xirmeen Dibada, isla markaana waxaa ay dibada u direen Macalimiinta Dugsiyada Qur’aanka tababaro Deg deg ah oo lagu barayay Aayado jihad iyo axaadiis la qaloociyay Sidaasoo Soomaaliya ku holacday, lama araga iyo lama maqalna ay ka dhacday.

Sii Aqriso Qeybtii Labaad (Riix Meshaan)

Dr. Ismail Malaas - Nairobi - keydmedia.net Correspondent




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.