WAXAAN KU DHEX NOOLNAHAY ARGAGAX!!!! (QEYBTA 2AAD)

Dr. Ismacil Malas Nairobi - Maxaa maanta i soo xusuusiyay aflaantii Alfred Hetckok ee argagaxa ee aan annagoo aad dhalinyara u ah ku daawan jirnay Shaneemooyinka Magaalada Muqdisho?. Jawaabtu waa fududahay waan in iyadoo aflaantaas oo dhab ah kana sii badan argagax iyo baqdin kuwii Alfred ay habeen iyo maalin ka dhacaan Muqdisho, Jilaayaasha argagaxaas waa kooxda ama “baandada’ isku magacawday Dhaliyarada iyo Xisbiga
Faallo Keydmedia Online
WAXAAN KU DHEX NOOLNAHAY ARGAGAX!!!! (QEYBTA 2AAD)

Dil, boob hanti, afduub iyo dadka oo badeecad durbaba ay ka dhigtaan oo ay “Kam yaasir” yiraahdaan, Gurigaaga markaad ka baxdo aroortii oo aad u socoto xaafadaha Muqdisho baandooyinaasu ka taliyaan, waxaad qoyskaaga ku oroneysaa min afar faataxa ii mara oo ay dadka masiixiyiinta ah ay sameeyaan iyagoo macbadka ama kirishtaha tilmaamaya, qofkastoo qoyska ka mid ahna marka uu guriga ka baxayo sidoo kalaa afar faataxa loo maraa si uu sharta “gardheerayaasha” uga bad baado.

Sidoo kale qoys kastoo ku nool xaafadaha xumafalayaasha ay maamulaan  qof walba waxa uu is weydiinayaa ma adoo nool baad soo noqon mise adoo gacan iyo lug kaa maqan yihiin, maa cidaadada loo soo sheegi doonaa anoo qoorteydii xabadka la ii saaray, ma xoogaaga lacagta ah ee aan jeebka ku sito ama bacda ayaa “Zakawaad” loo qaadan doonaan, Zako sanadkii oo dhan la aruurinayo, lagana aruurinayo qofkastoo ay ku waajibtay iyo qofeysan ku waajibin lama yaqaan xoolaha dadka laga aruuriyo meelay aadaan, maxaa Media ama idaacado fara badan ee FM ah iyagoo ku sanduleysan bastooladana madaxa looga haya  ay u baahiyeen dadweynaha dunida oo dhan iyo Soomaalida wax ay ku sheegeen in dadweynaha loo qeybshay lagana maarmo Hey’adaha Samafalka.

Dadweynaha siiba kuwa barakaca ah haba ugu sii liitaane kuwa ku nool deegaanada ay ka taliyaan argagixisada ay u dhamaanayaan gaajo iyo cuduro.

Dhaqan aanan horay u aqoon 

Waxaa ajaanibta ay ku sheegaan Shabaab iyo Xisbul islaam “UMARAA’UL MU’MIMIIN”qof walboo ka mid ah todobaad ama ka yar  waxaa la nool gabar uu bikro jabshay, iyaguna kuwaa shabaab isku sheega ee rufiyaanada noqday uu amraa in mid cusub loo keeno, waayo tii hore naftaa nacday, waxaana uu ku yiraahdaa in naagtii Naftu nacdo ay furantahay sida diintu qoreyso isagoo ku leh, Rufiyaanada dadka haatan jira waxay u yaqaanaan qofka dadka isku dira “diradiraha” ma aha sidaa ee waa qofka nimanka iyo naagaha si xaaraan ah isugu geeya ayaa la yiraahdaa, ereygan waa aftalyaani oo waa “Ruffiano”.

Dhaqanka qof Soomaali ah oo muslim ah dareen sharaf dhawris leh kuma raaco, balse dhif baa loo maqli jiray, waxaa dhacday in oday dhiig kar qabay Gabadhiisii Amiir ajnabi ah loo geeyay, Gabadhu ardayad ayeey aheyd aad u qurxooneed, markii odayga Gabadha laga wadanayay ayuu “wad –aadayaashii” ku yiri  war gabadha intaad u wadaan nin ajnabi ah, shisheeye ah run hadaad rabtaan aanan gayaankeed aheyn, waayo lama yaqaan meel uu ka yimid, waxa uu qaban jir, Tuug, dilaa IWM ama ka sii fool xun idinkaan idiin aqaan maandhawyaal iga soo doona.

Adeer waxa aad ku hadleysaa hadal murtad nimanka Ajaanib aad ku sheegeyso mid ka mid ah ayaa Madaxweynaha Soomaaliya noqonaya.

Intaa kadib Maxaa xigay, la soco qeyb kale oo xiisa leh oo yaan lagaaga Sheekeyn  

Dr. Ismail Malaas - Nairobi - keydmedia.net Correspondent




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.