Xalka Dagaalka socda

Faallo Mohamud M Uluso

Shalay 25ka Abrile 2021, waxaa Magaalada Muqdisho ka qarxay dagaal dhexmaraya ciidammo ka wada tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, hadaba waa maxay xalka dagaalkaan, sideese looga bixi karaa xaaladaan cakiran, waa faaladda todobaadka ee Dr. Maxamud M Culusow.

Xalka Dagaalka socda

Xalka dagaalka u dhexeeya Ciidammada dowladda federaalka taagersan muddo kordhinta 2 sano ee Madaxweyne Farmajo iyo kuwa ka soo horjeeda

1. Ciidan wuxuu taagersan yahay Golaha Badbaadada Qaranka (GBQ) oo ka kooban Midowga Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha JFS, Golaha Siyaasinta Somaliland, iyo DG Puntland iyo Jubbaland oo ka soo horjeeda muddo kordhiska 2da sano ee Madaxweyne Maxamed C. Farmaajo iyo Barlamaanka Federaalka kaddib markuu dhammaaday muddo xiloodkoodii dastuuriga aheyd. Ciidankaan waxay dalbanayaan in Madaxweyne Farmaajo ka baxo Villa Soomaaliya (Aqalka Madaxtooyada), joojiyo sheegashada xilka Madaxweynaha, dedegnna loo qabto doorasho heshiis lagu yahay.

2. Ciidanka kale waxay difaacayaan muddo kordhiska 2da sano ee Madaxweyne Farmaajo iyo Barlamaanka Federaalka iyo Xukuumadda RW Maxamed Xussein Roble. Ciidankaan waxay isu haystaan inay yihiin ciidanka dowladda federaalka, kuwa kalena maleeshiya.

Nasiib darro, Madaxweyne Farmaajo kama hadlin dagaalka. Waxaa hadlay RW Maxamed Xussein Roble iyo Wasiirka Amniga Xassan Xundubey Jimcaale. Labaduna ma sheegin war dadweynaha gartay, qanciyay, rajo geliyay.

Qarsoodi ma ahan in dagaalka la siinayo tilmaan qabiil, haseyeeshe xaqiiqadu waxay tahay in dagaalku salka ku hayo khilaafka dastuurka kmg iyo loolanka awoodda dowladda.

Waxaa xusid mudan in qodobka 127 ee dastuurka kmg farayo Ciidammada dalka oo dhan “u hellanaanta ilaalinta dastuurka kmg, dhex dhexaadnimada loolanka siyaasadda.” Sidaa awgeed, waa arrin mudan qaddarin tallaabada saraakiisha iyo Ciidammada u istaagay difaaca dastuurka kmg iyo xuquuqda asaasiga ee muwaadiniinta soomaaliyeed.

Xalku dagaalka kuma jiro dhexgalka odayaal aan aqoon iyo waayo aragnimo u laheyn arrimaha dastuuriga ah ee la isku hayo, dowladnimada, iyo siyaasadda. Xalku wuxuu ku jira in Madaxweyne Farmaajo aqbalo in muddo xileedkiisii dhammaaday, waajibna tahay qabashada doorasho heshiis lagu yahay oo ka hufan musuqmaasuq.

Dagaalkii dhacay 25 Abrile waxaa ku gacan sarreeyay Ciidammada dowladda federaalka ka soo horjeeda muddo kororsiga Madaxweyne farmajo, waxayna kaabiga ku hayaan Villa Somalia (Madaxtooyada), waxayna dalbanayaan inuu u hoggaansamo dastuurka iyo dhaqanka xukun la kala wareegga si nabad ah ee loo marayo doorasho heshiis lagu yahay, taaso mudan taageerada shacabka Soomaaliyeed.

Sidaas awgeed, waxaa loo baahan yahay in Midowga Musharrixiinta oo ka wakiil ah GBQ ay qaadaan tallaabooyinka soo socda:

1. In Ciidammada dowladda federaalka ee difaacaya dastuurka kmg ku adkeeyaan inay dhawraan nidaamka ciidanka iyo midka dagaalka, gaar ahaan ilaaliyaan badbaadada ra’yidka, lana dagaalamaan burcadda dhaceysa ama dhibaateyneysa shacabka. Sidaas oo kale Ciidammada difaacaya muddo kordhinta waa inay ilaaliyaan xeerka dagaalka iyo ilaalinta hantida qaranka;

2. Inay la tashadaan saraakiisha hoggaamineysa ciidanka ka soo horjeeda muddo kordhiska, lana wadaagan habka ilaalinta dowladnimada iyo wadaxaajoodka qabashada doorashada;

3. Inay dadweynaha la socodsiiyaan sababaha dagaalka iyo baahida loo qabo inay istaakuleeyaan marxaladda lagu jiro dagaalka isbeddel doonka ah;

4. In Wasaaraha Maaliyadda iyo Bankiga dhexe la faro inay bixiyaan mushaagaraadka iyo xuquuqda Ciidammada, shaqaalaha dowladda, haseyeeshe la joojiyo dhammaan kharajyada kale;

5. In dhammaan shaqaalaha iyo hay’adaha dowladda xafidaan hantida iyo dokumentiga dowladda, laguna abaalmariyo dadaalkooda.

6. In mowqifka lagu mideysan yahay ahaado in Madaxweyne farmajo ka baxo Villa Soomaaliya (Madaxtooyada) kuna dhawaaqo inuu dhammaaday muddo xileedkiisa, taagersan yahay qabashada doorashada lagu heshiiyay 17ka Setember 2020;

7. In lagu dhawaaqo kala dirka Barlamaanka Federaalka muddo xileedkiisa dhammaaday;

8. In lagu dhawaaqo fasaxa taliyayaasha Ciidammada Xoogga Dalka, Booliska, Nabadsugidda, iyo Asluubta;

9. Inuu Golaha Wasiirrada Maxamed Xussein Roble is casilo madaama uu dhibaatada dhacday qayb weyn ku leeyahay;

10. In lagu dhawaaqo Golaha Madaxtooyada dowladda federaalka Soomaaliya kmg ah oo ka kooban Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada;

11. In la magacaabo Gole Wasiirro xilgaarsiin ah ugu badnaan 6 bilood ah. Xubnaha Golaha wasiirrada waxaa soo magacaabaya Golaha Madaxtooyada DF kmg ah. Waa in la xaddido mas’uuliyadda Golaha Wasiirrada xilgaarsiinta ah;

12. In la faro xeer ilaaliyaha guud iyo hantidhawraha guud laba laabaan ilaalinta shaqada hay’adaha dowladda inaysan ku xadgudubin xilgudashada muddada xilgaarsiinta ah.

13. In doorashada dadban la qabto muddo 6 bilood gudahooda ah.

14. In Beesha Caalamka taagerto ilaalinta shaqada dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada muddada xilgaarsiinta iyo doorashada ah.

15. In Ciidammada ku noqdaan goobahooda shaqo marka Madaxweyne Farmaajo banneyo Villa Somalia (Madaxtooyada). Ciidammada taagersana muddo kordhinta waxay tagayaan xeryo GBQ u asteynayo.

Dr. Maxamud M Culusow




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.