YAA HORTAAGAN HORUMARKA CIIDAMADA DOWLADA ?

Tan iyo waagii Dowlada ay timid Muqdisho dabayaaqadii sanadkii 2006-dii dhagaha shacabka waxaa ku soo dhacayay dhawaqyo ku aadan ciidamo la tayeeynayo misna tababar loo qaadayo, sidoo kale waxaa dhacay Munaasbado badan oo ciidamo tababar loogu soo xiray tirada ugu yar ee tababar loo soo xira waxa ay aheyd 300 oo askari.
Faallo Keydmedia Online
YAA  HORTAAGAN HORUMARKA CIIDAMADA DOWLADA ?

Horaantii Sanadkii 2007-dii waxaa Muqdisho laga kaxeeyay dhalinyaro dhameysatay Dugsiyada Sare kuwaas oo waalidkood loo sheegay in waxbarasho Jaamacadeed oo dibadda ah loo qaadayo, laakiin dhalinyaradaasi waxaa la geeyay dhul buuraley ah oo ku yaala Dalka Itoobiya  halkaas oo ay tababar ciidan ku soo qaateen

Ciidamadaasi markii dib loogu soo celiyay Dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho waxaa loo bixiyay magac ah  “KOOBI” oo  loola jeeday maadaama ay Itoobiya ku soo tababarteen in ay yihiin Itoobiyaan barkiis, mudo kadib waxaa la qaaday kuwa kale oo Itoobiya iyo Uganda tababaro lagu soo siiyay laakiin arinka wax is badal ah ma sameyn, waxaanay sheekadu u muuqaal ekaatay “DHAAN DABAGAALE SINABA LOO GAARI WAA”.

Hadaba akhriste marna ma is weydiisay qaab nolaleedka ciidanka iyo halka ay sheekada ka qasantahay? Waxaa laga yaabaa qaarkiin in ay durbaba maankooda ku soo dhacdo dayaca waxa uu ka yimid mas’uuliyiinta Dowlada iyo laamaha ciidanka qaabilsan, sida wasaaradda Gaashaandhiga iyo talisyada Ciidamada.

Sheekadu waa mid taasi si weyn uga duwan, waxaan maqli jiray Fanaaniin Soomaaliyeed oo ku Heesaya “NINKII NALA JIREE OO HADANA NAGa JIREE, UJEEDO AY U GO’ANTAHAY, WAR HOOY JOOG, IJIID AAN KU JIIDEE WAA GACMA DAALIS” Dowlada waxaa heysta ficil macna ahaan u dhaw heestan, waxaa ku hareereysan hey’ado ay u taqaan taageerayaal balse ah ka taageerayaal, waa kuwama Hey’adahaaasi?.

Ma maqashay Hey’adda horumarinta Barnaamijyada u qaabilsan Qaramada Midowabay ee magaceeda la yiraahdo UNDP? Waa iyada hey’adda la jirta kana jirta Dowlada ee mar walba ku dooda in ay gacansiiso balse gacansiinteeda gocasho laga dhaxlo.

Dowrka UNDP iyo Ciidamada

Sida aan wada ognahay Dowladda waxa ay ku shaqeysaa taageero ay ka hesho beesha caalamka, waxaana taageeradaasi loo soo marsiiyaa Hey’adaha qarmada midoobay oo iyaga sii dalaala kaalmada loogu soo dhiibo Dowlada, UNDP waxa ay u xilsaarantahay bixinta mushaaraadka shaqaalaha Dowlada laga soo bilaabo Baarlamaan ilaa Nadiifiye, balse aan abaarno ujeedkeena oo ku aadan Dowrka UNDP iyo ciidamada.

Ciidamada Dowlada waxa ay ukala baxaan dhawr qeybood oo kale duwan balse labada ugu waa weyn waa Milatari iyo Boolis, waxaana UNDP_da ay bixisaa Mushaaraadka Booliska oo iyana loo kala saaray laba qeybood oo kale ah Mushaari iyo Meeleyn,

Qeybta Mushaariga ah: kuwani waxaa u diwaan gashan in Bishiiba la siinayo lacag dhan $100 oo mushaar ah, balse lacagta sidaas looma siiyo oo todobadii biloodba mar ayaa la siiyaa Mushaarka oo isku arooray gaarayna $700, hadaba wiil ama Gabar la yiri waxaa tahay Askari Dowladeed misna todoba bilood mushaar la’ maxaa laga filan karaa.

Tani waxaa laga dhaxlay in ciidamada Booliska ee Mushaariga lagu sheegay ay laba u qeybsamaan waa mide kuwa ku adeegta qorigooda isla markaana dadaal u gala qaab walba oo ay Nolashooda ku maareyn karaan iyaga oo adeegsanaya qorigooda, hadaba askari ka fakaraya Nolal muxuu dagaal ka gali karaa? .

Waxaa kaloo jira qeyb iyana marka ay qaataan lacagaha iska gala ganacsi sida Dabkaayo yar IWM iyadoona Haweenka ku magacaaban Ciidamada ay Deegaanada ay Dowlada ka taliso ay ku iibiyaan qaad, laakiin isu imaatanka Ciidamada mushaariga ku magacaaban waa marka la dareemo saan saan lacageed oo mid walba dharkiisa uu kala soo baxaa Armaajada ama Boorsada  isla markaana qorigiisa deegta ku soo dhagaa.

Qeybta Meeleynta: kuwani ma jiro wax meel u saaran iyo cid ay wax ka sugaan, waxaana ay u tala saareenta Nolal maalmeedkooda AK47 la siiyay waxaana lagu arkaa iyaga oo ku dhagan riishada qorya amaanka ay u furanyihiin wadooyinka Magaalada xiliyada qaarna gaadiidka dadweynaha iyagoo baarasha kula dhaqaaqaya Shacabka.

Ciidamada iyo Dagaalka:  Dowladda Mar walba waxa ay ku goodisaa Dagaal in ay la galeyso dhinacyada ka soo horjeeda isla markaana ay ka go’antahay in ay hanato guud ahaan Magaalada Muqdisho kadibna Dalka oo dhan, laakiin marka ay xabada bilaabato lana gaaro 11:00 Barqanimo waxaa la arkaa ciidamadii aaga lagu oogaa oo aanay cidi ka joogin, war tallow xagey qabteen?.
Waqtiga kan waa xiliga Magaalada uu qaadka soo galo waxaana ciidamada ay u soo kala dhuuntaan qandalada qaadka iyaga oo doonaya in raamsadaan laamaha cagaaran, waxaana xiligaasi kadib taliyaasha Ciidamada iyo Afhayeenada ay sheegaan in Dagaalka ay horumar ka gaareen isla markaana is balaariyeen waxaana dhawaqyadaasi ay ku dhacaan dhagaha shacabka.

Milatariga yaa u maqan?

Waxaa xusid mudan in Marka laga soot ago Ciidamada Booliska ay jiraan kuwa kale oo wata magac Milatari balse gudaha Magaalada ku hubeysan, la yaabka dunida ayeey ka mid tahay Milatari shacab dhex jooga.

Labada dhan waa Milatariga iyo Booliskee marar badan waxaa ku dhex maray Dariiqyada Muqdisho isku dhacyo hubeysan kuwaa oo lagu fasiro kala shakin dhexdooda ah, shaki aan dhamaan maxaa keenay?

Dad bay la tahay in sababta Milatariga iyo Booliska ay u dagaalamaan ay tahay Milatariga oo ka xun dayaca lagu sameeyay iyo waliba Mushaar la’aanta joogtada ah ee heysata, isla markaana sababta ay Booliska ula diriraan ay tahay Mushaaraadka la siiyo Todobada Bil kadib qeyb ka mid ah Booliska .

Su’aal is weydiin Mudan: Dowladdu ma iyada ayaa raali ku ah dayaca baahsan ee ay ku heyso UNDP mise waxaa jira dana kale oo ku qasbaya arintaasi? Koleyba sabab unbaa jirta .

Gabgabo

Waxaa la gudboon Mas’uuliyiinta Dowlada KMG ah in ay indha dheer u yeeshaan dhagarta iyo hagardaamooyinka ku hareereysan isla markaana ay u istaagaan sidii  ay uga gudbi lahaayeen caqabahaasi, balse hadii aanay sidaa yeelin waxaa suurta gal ah in talo farahooda ay ka baxdo, tan kale waxaa muhiim ah in ay joojiyaan talaabooyinka Ciidamada Cusub tababarka loogu dirayo maadaama kuwii horaba aanay wax la taaban karo soo kordhin isla markaana dadaal badan ay u galaan sidii ciidamada hada jira ay u tayeen lahaayee.

Fadlan Qoraalka iyo Masawirka ha Badalin.

DHAMAAD?Qore: Abdulkariim Haji Seeko
Email:mrseeko@live.com






Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.