KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Waa uur ku taalo iyo xanuun aan la hilmaami Karin waqtigan xaadirka ee hadda la joogo iyo sida ay u idlaatay xoriyadii dhibka iyo rafaadka loo soo marayay oo ay dad badani oo Soomaali ah naf iyo maalba ku waayeen sidii lagu gaari lahaa dal xor ah iyo dad xor ah.
Aan isweydiino 51 sanno ka dib maxaa sabab u ah in 1da Luuliyo ay heli weydo hab maamuuskii ay mudnayd maxaase keenay in ay cidlooto oo aysan helin munaasabad Soomaali weyn ay u dhan tahay oo noqoto mid ku kooabn hoteelo gaar loo leeyahay oo aysan dadka oo dhami aysan wada awoodin.
Waxa aad dareemayo ayaa ah mid igu beeraysa murugo aan ka soo noqod lahayd oo igu xambaaraysa in ay ka leexda ujeedayda, oo aan ugu magac daray “1da LUULIYOOW DAREENKAAGU SIDUU YAHAY” oo laga dheehan karo haddii lagu fiiriyo maskax fayow mid ka turjumayso dayacaada ka muuqata maalintaas qiimaha iyo qaayaha xambaarsan uuna ka damqanayo qofka damiirka wadanimo leh.
Inkasta oo dal waliba uu leeyahay maalin u asteesan oo ay uga duwan tahay maalmaha kale haddan shacabka Soomaaliyeed waxa aad moodaa in ay maskaxdoodu ka dhaqmatay maalmihii ugu magaca iyo waxtarka badnaa oo waqti iyo hanti badan lagu beelay sidii loo heli lahaa dal ay dad xori ah ku nool yihiin.
Gunaanadka maqaalkay aan ka dhigo mid furan oo qofkasta oo Soomaali ah uu ku darsan karo dareenka ay qabto 1da Luuliyo iyo sidii uu u muujin lahaa waxa lagu daweyn karo dayacsanaanta 1da Luuliyo iyo sida shacabkan u fahmi lahaayeen in ay tahay 1da Luuliyo mid ay ayaga leeyihiin.
Waxaan u dhaafayaa dhammaan inta garashada wadaniyada leh ee garan karta macnaha ay xambaarsan tahay maalintaasi.
Alloow adaa wax daweeyee na dawee, si aan 1da Luuliyo u daweysano.
By: Zulu Alpha
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.