20- Ka Tirsan Maleeshiyaadka Shabaab oo Isku Dhiibay Ciidamada Kismaayo

Kismaayo (KON)- 20-ka tirsan Maleeshiyaadkii kooxda Shabaab ee magaalada laga saaray ayaa saacadihii la soo dhaafay siyaabo kala duwan isugu soo dhiibayay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Raaskaambooni ee ka arrimiya magaalada Kismaayo ee xarunta gobbolka Jubbada Hoose.
Warar Keydmedia Online

Ismaaciil Saxardiid oo ah Taliyaha Ciidamada Dowladda ee gobbolada Jubbooyinka kana mid ah Maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo ayaa KON u sheegay in shalay ilaa xalay ay isku soo dhiibeen 20 nin oo ka soo goostay Maleeshiyaadka Shabaab ee ku suggan duleedka magaalada Kismaayo, isagoo intaasi ku daray inay jiraan ragg kale oo ay masuulyiin ku jiraan kuwaasoo uu hadda socdo wada hadaladii ay isku soo dhiibi lahaayeen.

Isu soo dhiibista Maleeshiyaadkaan ayaa imaanaya xili saraakiisha Ciidamada ku suggan magaalada Kismaayo ay baaqyo kala duwan u dirayeen dhalinyarada u dagaalanta Shabaab.

Keydmedia Online -Xafiiska, Kismaayo

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.