OGEYSIIS

KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray. 

Warar Keydmedia Online
KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN  BAA KU SOCOTA

Maamulka KEYDMEDIA ONLINE, wuxuu ogeysiinayaa akhristiyaasha sharafta leh in Website-ka lagu sameynayo dib u habeyn iyo ballaarin, taasoo keentay in mudada howsha socota ay joogsadaan wararkii, warbixinadii iyo macluumaadii ay adiin soo gudbin jirtay Soomaali iyo English.

Halkudhaga KEYDMEDIA ONLINE waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray. 

KEYDMEDIA ONLINE mudadii ay jirtay waxay Warbaahinta Soomaaliya kusoo kordhisay hab casri ah oo macluumaadka loo soo gudbiyo, waxayna ku guuleystay inay hogaanka u qabato soo gudbinta wararka degdega ah ee xaqiiqda ku saleysan iyo qormooyin ku saabsan horumarka, dhibaatada fekerka xag-jirnimada, barakaca iyo musuq-maasuq madaxda dalka. 

Marka laga soo tago wararka iyo faallooyinka joogtada ah oo dad badan soo jiitay, waxaa wehliyay shaqadda KEYDMEDIA ONLINE soo bandhigista macluumaad iyo dhacdooyin ugub ah kuwaasi oo aan loo hayn marqaati nool (itus oo itaabsii), gaar ahaan aafooyinki dagaalki sokeeye iyo xaqiiqda wixii dhacay. 

“Hadafkeenna waa wargelin iyo waxbarid”.

Dib ayaan adinkaga soo sheegi doonaa marka aan soo laabano. Mahadsanidiin!

Maamulka Guud ee KEYDMEDIA ONLINE

Warar 7 January 2023 12:08