KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Munasaabada oo agaasinkeeda heer sare ahaa ayaa mas’uuliyiintii ka qeyb gashay waxaa kamid ahaa madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan”, Saraakiisha Ciidamada AMISOM, Wakiilka gaarka ah ee Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Saalax “Anadhif” iyo marti sharaf kale.
Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheeq Maxamuud ayaa ugu horeyn salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.
Uqaaabilsanaha midowga Afrika ee Soomaaliya Maxamed Saalax “Anadhif” oo ugu horeyn munaasabada khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in Soomaaliya ay kamid tahay wadamadii aasaasay Ururka Midowga Africa (AU), isagoona tilmaamay in Soomaalida guud ahaan gaar ahaan shacabka Muqdisho ay sharaf weyn u tahay 50-Sano kadib in Muqdisho lagu qabto Xuska aasaaskii Ururka Midowga Africa (AU).
Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo munaasabada khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku faaneyso kamid ahaanshaha aasaasayaashii Midowga Africa,waxa uuna tilmaamay madaxweynaha in dowladii dhexe ee Soomaaliya ay Xaafada African Village oo kamid ah xaafadaha Muqdisho ku maamuustay martidii ka socday wadamada Africa oo ka qeyb galayay shirkii midowga Africa ee lagu qabtay magaalada Muqdisho, isagoona rajo wanaagsan ka muujiyay Soomaaliya in ay mar kale marti geliso shirarka Midowga Africa.
Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya oo mudo ku siman 22-Sano kusoo jirtay burbur iyo colaad ayaa munaasabadii maanta ee lagu maamuusayay 50- Guuradii kasoo wareegatay aasaaskii Ururka Midowga Africa (AU) waxa ay noqoneysaa munaasabadii ugu horeysay oo heer caalami ah lagu qabto magaalada Muqdisho tan iyo burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya.
Keydmedia Online xafiika Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.