Mareynkanka oo ka walaacay dil loogu geestay Gabdha Soomaaliyeed Hiiraan

WASHINGTON (Keydmedia) Dowladda Mareynkanka ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in ay aad uga walaacsantahay dilkii kooxda GODANE ay Hiiraan ugu geysatay gabdha soomaaliyeed oo aad u yar yaraa, waxaana ay sheegtay dowladda Maraykanka in ficilkaasi uu muujinayo sida kooxda aanay u xushmeyneyn nolasha Soomaalida.
Warar Keydmedia Online

Afhayeenka waaxda arimaha dibadda ee Dalka Maraykan Philip Crowley ayaa sheegay in si kulul talaabadaasi ay u canbaareyneyso falkaasi, waxaana uu dhanka kale hoosta ka xariiqay maqalka warkaasi in ay si weyn uga naxday dowladda Maraykanka.

Crowley ayaa sheegay wariyayaasha in talaabadani ay cadeyn buuxda u tahay sida kooxda ay uga soo horjeedo Amaanka, Nabadda iyo xasiloonida.

Dilkan ay dowladda Maraykanka Sheegtay in ay ka walaacsantahay ayaa ka dhacay Baledweyne Arbacadii ina dhaaftay, waxaana gabdhaha la toogtay lagu kala magacaabi jiray Ayaan Max’ed Jaamac oo iyadu aheyd 15 Sano jir iyo waliba Xuiyo oo aheyd 14 sano jir.

Kooxda ayaa dilka Gabdhahan ku sababeysan in ay Jawaasiis u ahaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan duleedka gobalka Hiiraan.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.