Aabbe caruur uu dhalay ku dilay Gaalkacyo

Aabbe ku nool waqooyiga Gaalkacyo, ayaa maanta dilay labbo caruur ah oo uu dhalay.

Warar Keydmedia Online
Aabbe caruur uu dhalay ku dilay Gaalkacyo

GAALKACYO, Soomaaliya- Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in Aabbe Soomaaliyeed uu halkaasi ku dilay Caruurtiisa.

Falkan oo ka dhacay Waqooyiga Gaalkacyo ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyey taliyaha booliska Mudug ee qeybta Puntland Muumin Cabdi Shire.

Booliska ayaa sheegay inuu maandooriye xad-dhaaf ah isticmaalay aabahan, waana tan sababtay inuu dilo ubadkiisa.

Xabsiga ayey u taxaabeen sida ay tilmaameen booliska, iyagoo caruurta uu dilay da'dooda ku sheegay 10 jir iyo 11 jir.

Dhacdadan ayaa si weyn maanta looga hadal hayaa gudaha Gaalkacyo, iyadoo ay xusid mudan tahay in mudooyinkii ugu danbeeyey ay falalka argagaxa leh ay ku soo badanayeen gudaha dalka.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.