Aadan Madoobe oo loo doortay Guddoomiyaha Aqalka hoose

Dabbaal degyo, waaweyn ayaa ka billowday Caasimadda, taasoo muujineysa in bulshadu aad u daneyneyso is-baddel iyo in meesha laga saaro kooxda waqtigu ka dhmaaday ee Fahad iyo Farmaajo hoggaanka u yihiin.

Warar Keydmedia Online
Aadan Madoobe oo loo doortay Guddoomiyaha Aqalka hoose

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee JFS, kadib markii uu wareegii ugu danbeeyay  163, cod kaga adkaaday Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur, oo helau 89 cod.

Sheekh Aadan Madoobe, wuxuu muddo ka mid ahaa, shaqsiyaadka sida weyn kaga aragtida duwanaa nidaamka Madaxweynihii hore Farmaajo, wuxuuna xubin ka ahaa Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Xildhibaanka, laga adkaaday, Xasan Cabdi Nuur, wuxuu ka mid yahay adeegayaasha Farmaajo, wuxuu qeyb ka ahaa shaqsiyaadkii u ololeeyay muddo kordhintii Farmaajo, waxaana lagu xasuustaa hadallo nacayb ah, oo ka dhan ahaa dadka reer Muqdisho.

Aadan Maxamed Nuur [Madoobe], wuxuu soo noqday Wasiirka Cadaaladda iyo Guddoomiyaha Baarlamaankii Federaalka KMG ah, halka uu 29 December 2008 ilaa 31 January 2009, soo noqday ku simaha madaxweynaha Soomaaliya.

Bilihii April iyo May 2010, waxaa soo shaac baxay khilaaf soo kala dhex galay Madoobe iyo Ra’iisal Wasaarahii xiligaas Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, kaas oo sababay in Madoobe uu is-casilo, waxaana beddelay Shariif Xasan Sheekh Aadan

Sheekh Aadan Maxamuud Nuur, waxa uu ku dhashay magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, wuxuuna ka soo jeedaa beesha Hadame ee Raxanweyn (Digil iyo Mirifle), wuxuuna hadda ku fadhiyaa kursiga HOP#189 ee Barlamaanka 11-aad.

Doorashada Madoobe, ayaa ka dhigan in kooxda Farmaajo, mar kale, si weyn ugu jabtay, doorasho tartankeedu furan yaahy, kadib markii musharixiintii raadinayay kuraasta ee Madaxtooyadu gadaal ka taagneed, ku soo jabeen maamullada.

Sidoo kale, waa farriin weyn oo muujineysa in Farmaajo, uusan wax rajo ah lahayn, isla-markaana uu qaadi doono jidka uu maray Xasan Cabdi Nuur, oo maadaama kooxda waqtigu ka dhamaaday wajahayaan duufaan weyn oo soo laabashadooda diiddan.

KEYDMEIDA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.