Abaarta Soomaaliya: Dad hor leh oo u dhintay Gaajo

Abaaraha ba'an ee dalka ku dhuftay bilihii u danbeeyey, ayaa saameyn ku yeeshay inta badan nolosha dadka Soomaalida, waxana soo kordhaya kiisaska dhimashada ah ee la soo werinayo.

Warar Keydmedia Online
Abaarta Soomaaliya: Dad hor leh oo u dhintay Gaajo

GEDOSoomaaliya - Abaarta ka jirta degaannada katirsan Jubaland, ayaa iminka lagu qiyaasi karaa tan ugu daran dhulka Soomaaliyeed, waxaana walaac xooggan arrintaasi ka muujinaya shacabka ku dhaqan goobahaasi.

Haraadka iyo gaajada faraha badan ayaa keenay in ay idlaadaan xoolihii iyo beerihii ay lahaayeen Soomaalidaasi, waxana iminka tirada dhimashada ee degaannada Jubaland la soo sheegayo ay kor u dhaafeysaa 10 ruux.

10-kaan ruux oo u badan caruur ayaa 5 cisho ee ugu danbeysay ku geeriyooday degmooyinka Baardheere iyo luuq oo hoostaga gobolka Gedo, waana kuwa sababsaday haraad daashaday iyo gaajo daashatay, sida ay sheegeen qaar ka mid ah ehelkooda oo warbaahinta u waramay.

Abaarta darran ee jirta ayaa sababtay in barakacaan, qoysaskii dhaqaale ahaan wax un gacanta ku hayey, kuwaasoo qaarkood soo gaaray xeryaha barakacayaasha ee duleedka Muqdisho, halka kuwii jeebta liitana ay yihiin qaar weli wehel u ah dihaalka abaartu wadato.

Gudaha Gobolka Gedo, abaartu waxa ay galaafatay Xoolihii ugu badnaa, mana jirto wax gurmad ah oo ilaa iyo iminka lala gaaray dadkaasi Soomaaliyeed, oo iminka cod dheer ku dalbanaya in la garab istaago.

Xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa todobaadkan ku dhawaaqday in dalku uu galay xaalad deg deg ah oo dhanka abaarta ah, iyadoo ilaa iyo hadda aan waxba la gaarsiin dadkaasi.

Waxaa kaloo aan la ogayn habkii loo maareeyey dhaqaale dhawaan ku dhacay gacanta Maamulka Jubaland, kaasoo lagu bixiyey in abaarta looga jawaabo, isla markaana uu maamulkaasi u gadoomay Wasiirka maareynta masiibooyinka Jubaland.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.