KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Gobaladda Gedo iyo Jubadda dhexe ayaa ugu daran meelaha ay ka jiraan abaaraha waxaana la soo warinayaa in daaqsiinki uu baaba’ay kadib markii xili roobaadyo is xiga la waayay roobka.
Inkastoo abaartan saameysay dad iyo doonyo ay ka jirto gobaladaasi ayaa hadana waxaa xusid mudan in aanu jirin wax hey’adda gar gaar ah oo ka shaqeeya gobalkadaasi kadib markii ay joojiyeen howalahii Hey’adaha samafalka kooxaha ka taliye deegaanadaasi ee ka soo horjeeda Dowladda KMG ah.
Abaarta waxaa u wehliya gobaladaasi iyadoo xili walba ay gaarayaan barakacayaal hor leh oo nolashooda kala baxsanaya dagaalada ka socda Caasimada Muqdisho ee dhaxalka laga hela ay tahay dhimasho iyo dhaawac soo gaara rayidka aan waxba galabsan.
www.keydmedia.net
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.