Abaaraha dalka ku dhuftay oo meel halis ah maraya

Jawaab bani'aadminimo oo rasmi ah ayeysan weli helin xaaladdaha abaaraha ku dhuftay inta badan gayiga Soomaaliya, iyadoo dhimashada xoolaha iyo dadkuna ay sii socdaan.

Warar Keydmedia Online
Abaaraha dalka ku dhuftay oo meel halis ah maraya

GEDO, Sooomaaliya- Walaaaca bani'aadminimo ee ka taagan gudaha dalka, ayaanan weli helin taageeradii loo baahnaa in looga jawaabo, welina waxaa kordhaya dhimashada xoolaha iyo dadka.

Abaarta oo ku fiday dhamaan dalka, ayaa waxaa ugu daran tan ka taagan koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan deggaannada uu ka arrimiyo maamulka Jubaland.

Wararku waxa ay sheegayaan, in saacidhii la soo dhaafay ay gobolka Gedo ku dhinteen neefaf lagu qiyaasay 50, kuwaasoo u badan lo', halka ay jiraan tiro arri ah oo ay abaartu galaafatay.

Qeylo dhaanta ka soo yeereysa, dadka ku nool deggaannadaasi, ayaa indhaha laga daawanayaa, iyagoo ilaa xilligan aanan helin gurmad dhab ah oo wax ka tari kara, waayaha adag ee ay abaartu dhaxalsiisay.

Maamulka Jubaland, ayaa isaga qudhiisa ka seexday, u kaalmeynta dadka tabaaleysan, lamana ogga meel uu mariyey lacag loo qorsheeyey in looga jawaabo abaarta deggaannadaas ka jirta, taas oo ku dhacday gacanta hoggaanka maamulkaas.

Abaaraha Soomaaliya ayaa ah kuwa ka dhashay roobabkii gu'a ee sanadkan da'ay oo yaraa, iyo  kuwii deyrta oo iyana aan badneyn, waxana taas ay keentay wal walka maanta hareeyey bulshada Soomaaliyeed oo u badan xoolo dhaqato iyo beeraleey.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.