Abaarta ka taagan Gobolka Gedo oo meel halis ah mareysa

Heer aad u sareeya ayey xiligan mareysaa abaarta ka taagan Gobolka Gedo, waxaana dhamaaday badi xoolihii ay dadku dhaqan jireen.

Warar Keydmedia Online
Abaarta ka taagan Gobolka Gedo oo meel halis ah mareysa

GEDO, Soomaaliya- Warar murugo xambaarsan ayaa ka imaanaya gobolka Gedo, ee Koonfurta Soomaaliya, oo ay ku dhufatay abaar ba'an oo laynaysa Xoolihii iyo dadkii dhaqanayay.

Ilaa iyo hadda sida la sheegayo waxaa ay abaartu galaafatay nolosha 3 ruux, kuwaasoo saacadihii u danbeeyey ku geeriyooday degaan hoostaga degmada luuq ee gobolka Gedo.

Dadkan ayaa u geeriyooday Gaajo iyo Haraad is biirsaday, waxaana dhulka oo engag ah, uu sababay in la waayo wax biyo ah oo ay dadku nafta ku ceshtaan. Labo Caruur ah ayaa ku jira saddexka duleedka Luuq ku dhintay.

Abaarta Koonfurta Soomaaliya ayaa ah mid kasii dareysa maalinba maalinta ka danbeysa, waxaana kordhaya dadka iyo xoolaha ay noloshooda galaafaneyso abaarta, iyadoo ay xusid mudan tahay in kumanaan dad ah ay kasoo barakaceen goobaha ay ka jiraan abaaraha.

Abaarta Soomaalida ka taagan ayaa waxaa sababay is-beddalka cimilada iyo roob la'aan, waxaana RW Rooble uu shalay magacaabay guddi Wasiiro ah oo u gurmanaya shacabka dhiban.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.