Abaarta oo kasii dareyso iyo QM oo 25 milyan ugu deeqday Soomaaliya

Abdelmoula, oo a ku-xigeenka ergayga QM James Swan ayaa xusay in 25-ka milyan ay wax badan ka tarayso xaaladda bini'aadanimo ee degaanada sida aadka ah u saameysay abaarta.

Warar Keydmedia Online
Abaarta oo kasii dareyso iyo QM oo 25 milyan ugu deeqday Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaramada Midoobay, ayaa 25 milyan oo doolarka Maraykanka ah ku shubtay Sanduuqa Bani’aadantinimada Soomaaliya (SHF) si gargaar degdeg ah loogu fidiyo bulshooyinka ay sida adag u saamaysay abaarta, ee ku nool meelaha mudnaanta leh.

Adam Abdelmoula, Isuduwaha Gargaarka Bani'aadantinimo ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay Khamiistii in qoondayntan ay kabayso 17 milyan oo dollar oo dhawaan laga bixiyay sanduuqa (CERF) si loogu daboolo baahiyaha degdega ah ee ay qabaan dadka.

'Lacag la taaban karo oo waqti hore ah oo loogu talagalay waxqabadyada jawaabta, oo uu ku jiro Qorshaha Waxqabadka Bani'aadamnimada ee 2022, ayaa muhiim u ah ka hortagga dhibaatooyin kale oo lagu badbaadiyo nolosha,' Abdelmoula ayaa ku yiri hadal uu ka soo saaray Muqdisho, caasimadda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Gurmadka Abaaraha ee hadda jira oo la mid ah dhibaatadii 2016/2017, siyaabaha qaar ay mar horeba ka sii daran yihiin. Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in in ka badan 4.3 milyan oo qof ay saameeyeen in ka badan nus milyan qofna ay ku barokaceen, tiradana ay kor u sii kacayso.

Abdelmoula, oo a ku-xigeenka ergayga QM James Swan ayaa xusay in 25-ka milyan ay wax badan ka tarayso xaaladda bini'aadanimo ee degaanada sida aadka ah u saameysay abaarta.

Soomaaliya oo safka hore kaga jirta isbadalka cimilada ayaa waxaa si weyn u saameeyay abaarta ba'an ee ka jirta guud ahaan Geeska Afrika, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

QM ayaa ku qiyaasaysa dadka abaarta saameysay Soomaaliya 4.3 milyan. Abaarta jirta ayaa loo sababeeyay roobabka oo aan si wanaagsan uga di'in dalka saddex sano, waxaana laga cabsi qabaa in sanadkan sidaas oo kale dhacdo, taasoo keeni karta in macluul lamid ah midii 2011 ku dhufato Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.