Abuu Mansuur Al-Amriiki oo sheegay in hooygiisa ay ku hareeraysan yihiin ciidamo

Muqdisho (KON) Iyadoo dhawaan Abuu Mansuur Al-Amriiki uu soo bandhigay sawiro muujinaya in dhaawac dhanka dhuunta ah loo geestay islamarkaana uu ka badbaaday iskuday dil oo lala damacsanaa ayaa war uu soo saaray wuxuu ku sheegay in xaaladiisa ay qatar ku jirto.
Warar Keydmedia Online

 

Abuu Mansuur Al-Amriiki oo qoraal soo dhigay barta Twiterka ayaa wuxuu sheegay in hooygiisa ay ku hareeraysan yihiin rag hubaysan oo doonaya inay isaga dilaan.

Al-Amriiki ayaa sheegay in xaaladiisa ay qatar ku jirto kooxaha hubaysana ay ridayaan rasaas xoogan oo dhanka hawada ah ay uridayaan taasi oo ay ku qal-qal-qalgelinayaan.

Cumar Hamami oo loo yaqaan Abuu Mansuur Al-Amriiki ayaa ah muwaadin udhashay dalka Mareykanka kana bar-bar dagaalama Shabaabka ku sugan dalka Soomaaliya.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.