Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye Oo Ku Geeryooday Dalka Norwey

London (KON) - Alle ha u Naxariistee waxaa manta Dalka Norwey ku Geeryooday Gabyaaga caanka ah ee Maxame Xaashi Dhamac Gaariye oo sanadkii 1950 ku dhashay magaalada Hargaysa.
Warar Keydmedia Online

Wax barashadiisii Hoose Dhexe iyo Sare wuxuu ku qaatay Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya isagoo Todobaataneeyadiina Macalin ka noqday Kuliyaddii Lafoole ee Duleedka Magaalada Muqdisho ku taala.

Gaariye wuxuu ahaa Nin Suugaanta Soomaalida aad ugu horeeya isla markaana Cilmi baaris badan ku sameeyay isagoona Xubin ka ahaa Guddigii Afka Soomaaliga.

Maxamed xaashi gaariye ayaa ku xeel dheeraa Suugaanta Soomaalida isagoona Gabayadiisa si wanaagsan looga dhagaysto Dalalka Dibadda iyo gudahaba.

Gaariye ayaa muddooyinkii danbe Xanuunsanaa isagoo ugu danbayntiina Maanta halkaa ku Geeryooday.

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.