Adeerka Ikraan Tahliil oo fariin kulul u diray Fahad iyo Farmaajo

Adeerka Ikraan Tahliil Faarax, oo ehelkeedu tuhunsan yihiin in ay afduubteen Taliska NISA, ayaa Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ugu baaqay in si degdeg ah aqoon-yahanadda u afduuban xoriyaddeeda ugu soo celiyaan.

Warar Keydmedia Online
Adeerka Ikraan Tahliil oo fariin kulul u diray Fahad iyo Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliya - Dr. Xasan Faarax Axmed, oo ah adeerka Ikraan Tahliil Faarax, oo ehelkeedu raadinayan raqdeeda iyo ruuxeeda muddo ku dhow 25 cisho, ayaa Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, ku edeeyay in ay ka danbeeyeen afduubka lagula kacay Ikraan.

Dr. Xasan oo ah bare ku dhaqan waqooyiga America, ayaa sheegay in Cabdiqani Dhiirane, oo gacan yare u ah Taliyaha Nabad-sugidda Fahad Yaasiin, uu waday gaariga lagu af-duubay Ikraan, 26-kii bishii na weydaaratay ee Juun.

Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in Farmaajo iyo Saaxiibkiis Fahad, ay xalaaleysteen, dhiigga Shacabka iyo ku xad-gudubka sharafta bini’aadamka, waliba ayadoo lagu jiro bisha xurmadda leh ee Dhul-Hijjah.

Wuxuu ka digay in arrinta Ikraan ay sababi karo isku dhacyo iyo aanooyin qabiil, maadaama dhaqanka Soomaalida, waxyaabaha dagaalladu ka curtaan ay ugu horreeyaan gabdha.

Ugu danbayn Dr. Xasan, wuxuu Kooxda Farmaajo, ugu baaqay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo daayaan Ikraan, haddii ay nooshay, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ka waantoobaan xaqriraadda, isla-markaana wuxuu dhagahooda ku dhibciyay in kiiskaan uusan marnaba qarsaamo doonin.

Agaasmiye ku-xigeynkii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sir-doonka Qaranka, Gen Cabdalla Cabdalla, ayaa dhawaan sheegay in kiiska Ikraan uu u muuqdu mid dil ah, lana mariyay waddadii ay Fahad Yaasiin iyo Kullane Jiis hore u mariyeen saraakiil badan, kaas oo ah in qofka la dilo lana qariyo.

Sida ay todobaadkii hore sheegtay Qaali Maxamed oo ah hooyada Ikraan, inta u dhaxeysa KM-0 iyo Hotel Globel, ayaa laga afduubtay Ikraan, waxaana loo qaatay dhanka guriga Maamo Khadiijo, oo ay degan yihiin taliska Nabad-sugidda.

Ikraan Tahliil, ayaa hore uga tirsaneyd shaqaalaha Gobolka Banaadir, waxayna hadda ka mid ahayd howlwaennada NISA, halka ay dhawaan ka soo laabatay aqoon kororsi ay u aadday dalka Ingiriiska.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.