Afar arrimood oo sabab u ah guusha MW Xasan Sheekh

Is-baheysiga mucaaradka, oo ay ku jiraan Xildhibaanno laga soo doortay Puntland iyo Jubaland, garwadeynna ka yihiin baratamayaashii Midowga Musharrixiinta, ayaa sidoo kale ka mid ahaa sababaha keenay guuldarrada Madaxweynihii hore Farmaajo.

Warar Keydmedia Online
Afar arrimood oo sabab u ah guusha MW Xasan Sheekh

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii Siddeedaad ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay loo doortay Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya, kadib shan sano, saddex bilood iyo todobo maalmood oo ka soo wareegtay markii uu xilka ku wareejiyay Madaxweynihii Sagaalaad ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, February 8, 2017.

Guusha Xasan Sheekh iyo guuldarrada kharaar ee Farmaajo la hoyday, waxaa fududeeyay afar arrimood oo is biirsaday, isla-markaana ahaa duufaanno siyaasadeed oo hore loo saadaalinayay, sida; dabaysha is-baddel-doonka, is-baheysiga mucaaradka, dadaalka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo dib u gurashada Qatar oo Farmaajo taageero u ahayd.

Sida dhacday doorashadii Guddoonka Golayaasha Baarlamaanka, waxaa jirtay dabeyl is-baddel-doon oo xoggaan, taasoo ka soo billaabatay Magaalooyinka Jowhar, Baladweyne iyo Gaalkacyo, waana sababta ugu weyn ee xitaa Farmaajo u waayay Xildhibaanno badan oo uu kala heshiiyo dib u doorashadiisa labadii habeen ee ugu danbeysay.  

Is-baheysiga mucaaradka, oo ay ku jiraan Xildhibaanno laga soo doortay Puntland iyo Jubaland, garwadeynna ka yihiin baratamayaashii Midowga Musharrixiinta, ayaa sidoo kale ka mid ahaa sababaha keenay guuldarrada Madaxweynihii hore Farmaajo, kaasoo aan heysan garab siyaasadeed marka laga soo tago Cabdicasiis Laftagareeen.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa dhankiisa door aad loo amaanay ku lahaa guusha xasan Sheekh, waxaana xusid mudan in Xildhibaanno uu gacanta ku hayay oo loo saadaalinayay musharrax kale uu saacadihii ugu danbeeyay u wareejiyay dhanka Xasan, taasoo sababtay inuu ka soo baxo wareegga 1-aad.

Dowladda Qatar, oo bilihii la soo dhaafay hoos u dhigtay miisaaniyaddii ay la garab taagneyd kooxda waqtigu ka dhamaaday ee Farmaajo iyo Fahad hoggaanka u ahaayeen, ayaa sanadkaan si ka duwan sidii hore uga gaabsatay maal-galinta kooxdaas, waxayna taasi keentay in dhamaan saddexda wareegba laga cod bato kooxda banneysay Villa Somalia.

Sida la rumeysan yahay, waxaa soo ximay ablbaabkii siyaasadeed ee ku dhisnaa kali-talisnimada, kala adkaanshaha, kala aarsiga, is-cabburinta, is-colaadinta, sharci ku tumashada, federaal duminta, muwaadin qafaalka, gabdho gowraca iyo indho sarcaadka ee uu jilaaga ka ahaa Maxamed Farmaajo, waxaana shacabku rajo ka qabaan nidaamka cusub.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.