Afar qodob oo xal u ah xiisadda ka soo cusboonaatay Galmudug

Cabdikariin X Guuleed oo horay u soo hoggaamiyey Galmudug, ayaa soo saaray war-saxaafadeed ku aaddan xiisadaha colaadeed ee ka soo cusboonaaday degaannada maamulkaas.

Warar Keydmedia Online
Afar qodob oo xal u ah xiisadda ka soo cusboonaatay Galmudug

DHUUSAMATREEB, Soomaaliya – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug, Cabdikariin Xusen Guuleed, oo soo saaray war-saxaafadeed ku aaddan xaaladda Galmudug, ayaa soo jeediyay afar arrin oo lama huraan ah, isla-makaana uu u arko, xalka rasmiga ah ee xiisadaha ka soo cusboonaaday Galgaduud.

Hoggaamiyaha Xisbiga Sahan, kana mid ah musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa ku baaqay in laga foojignaado dagaal danbe oo dhiig ku daato, wuxuu soo jeediyay in la dhowro jiritaanka la isla oggol yahay ee Galmudug.

Wuxuu sheegay in Galmudug leedahay hey'ado dowladeed oo dastuuri ah oo dhammaan dadka reer Galmudug wada dhisteen, “haddaba waxaan soo jeedinynaa oo aan adkeynayaa in la dhowro jiritaanka hay'adahaas iyo midnimada Galmudug”. Ayu yiri Guuleed.

“Si hey'adaha curdunka ah ee dowlad gobaleedkaas aan u ilaashanno, loogana fogaado daadinta dhiigga shacabkeenna, waa in dagaalka iyo gacan ka hadalka si deg deg ah loo joojiya, waxii Khilaaf iyo tabasbo ahna lagu xalliyo wadahadal iyo wada xaajood”. Ayuu ku sii daray.

Wuxuu xusay in Galmudug leedalay lal cadow oo ah cadowga Al-Shabaab, loona baahan yahay in xoogga iyo awoodda loo mideeyo sidii looga wada hortagi lahaa, si looga sifeeyo dhammaan degaannada ay gacanta ku hayaan.

Wuxuu soo jeediyay in la dadajiyo doorashooyinka lagana fogaado wax kasta oo carqaladeyn kara habsami u socodka doorashooyinka Galmudug iyo degaannada kale ee Soomaaliyeedba, si dalku oga baxo firaaqa dastuuriga ah iyo xilliga kala guurka ah.

Xilligii uu Guuleed, Madaxweynaha ka ahaa Galmudug, ayaa la xasuustaa in maamulkiisa oo garab ka helaya Dowladda Fadareaalka uu dagaallo la galay koox diimeedeedka Jimcihii qabsatay Guriceel, taas oo sababtay in Madaxtooyada Galmudug loo raro Cadaado.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.