Afduub salka ku haya dilka Ikraan Tahliil oo ka dhacay Hiiraan

Horey ayay Hooyada dhashay Ikraan ugu hanjabtay in hadii lasoo celin waayo Gabadheeda iyadoo nool uu kiiska isku bedeli doono aano qabiil.

Warar Keydmedia Online
Afduub salka ku haya dilka Ikraan Tahliil oo ka dhacay Hiiraan

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Dabley hubeysan ayaa Xaafadda Howlwadaag, ee magaaladda Beledweyne ka afduubey saddex Wiil oo dhalinyaro ah oo ay isku qabiil kasoo jeedaan Fahad Yaasiin.

C/qafaar Xaaji Cumar oo kamid ah dhalinyarada, ayaa kasoo muuqday Video lasoo dhigay baraha bulshada, isagoo su'aallo ay waydiinayaan ragga afduubey, wuxuuna sheegay inuu ka dhashay Beesha Fahad Yaasiin ee Reer Aw-Xasan.

Saraakiisha amniga Beledweyne, ayaa sheegay in kiiskan afduubka uu xiriir la leeyahay dilka Ikraan Tahliil oo Khamiistii soo ifbaxay kadib markii saddex bilood la waysanaa Gabadha oo NISA kamid ahayd tan iyo 2017.

Xildhibaan Faarax C/qaadir oo ay Fahad Yaasiin isku reer yihiin, ayaa ku baaqey in dad aan waxba galabsan loo dhibaateeyo dilka Ikraan, oo uu sheegay in la ogyahay cida ka dambeysa.

Hooyada dhashay Ikraan Qaali Maxmuud ayaa horey ugu hanjabtay in hadii lasoo celin waayo Gabadheeda iyadoo nool uu kiiska isku bedeli doono aano qabiil, islamarkaana loo aargudi doono.

Ikraan ayaa kasoo jeeda Beelaha Gaaljecel iyo Xawaadle, oo degan gobolka Hiiraan, waxaana laga cabsi qabaa in dembiga uu geystay Fahad Yaasiin uu saameeyo dad badan oo aan waxba galabsan, kuwaasoo loo beegsan kara inay isku qabiil yihiin taliyaha NISA.

Al-Shabaab ayaa shalay iska fogeysay dilka Ikraan Tahliil, kadib markii NISA Khamiistii ay ku eedeysay, waxaana kiiska Gabadhan uu yeeshay waji cusub, oo dhibaato cusub abuuri kara.

Keydmedia Online, oo xiganeysa ilo sir-doon oo si dhow ula socda dhaqdhaqaaqa taliska NISA,  ayaa baahisay 16 July 2021, in la khaariyay Ikraan Tahliil Faarax. [Halkan ka akhri].

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.