KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Askari ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya,uu damcay in Askari ka tirsan Milatariga uu Qori ka qaato,halkaana ay Rasaatu ka bilaabato.
Inta la og yahay ilaa 5 Ruux ayaa ku Geeriyootay Dagaalka,oo 4 kamid ah ay yihiin Ciidamada Milatariga Soomaaliya,waxaana sidoo kale jira Dhaawacyo soo gaaray Ciidamada iyo Dadka Rayidkaa.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Shabellaha Hoose Cabdi Shaamoow ayaa Keydmedia online u sheegay in Ciidamada ay kala Dhaxgaleen islamarkaana Xaalada hada ay dagan tahay.
Taliyaha ayaa sheegay in ay sidoo kale Tiro Askar ah,ay Weeararkaasi u soo qabteen islamarkaana Baaritaano ku hayaan hada.
Ma ahan markii ugu horeysay oo Ciidamo ka wada tirsan Dowladda FS ay ku dagaalamaan Qeybo ka mid ah Gobolka Shabellaha Hoose.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.