Afhayeenada Amisom iyo Dowlada oo isku khilaafay ujeedada dagaalkii shalay

Muqdisho(keydmedia)Iyadoo shalay dagaalo ka dhacay magaalada Muqdisho ay sababeen dhibaatooyin dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo gaaray shacabka ayaa hadana afhayeenada Dowlada iyo AMISOM waxa ay uga hadleen si is khilaafsan
Warar Keydmedia Online

Afhayeenka wasaarada warfaafinta C/risaaq Qeylow waxa uu sheegay in dagaalka ay dowlada qaaday isla markaana laga gaaray natiijadii laga lahaa iyadoona uu qeylow hoosta ka xariiqay in ay dileen laba ka tirsan kooxda Alshabaab.

Dhanka kale afhayeenka ciidamada Amisom oo isna dhankiisa ka hadlay arintaas ayaa sheegay in ay dagaalka guula ka gaareen isla markaana ay is difaaceen kadib markii la soo weeraray waxaana uu intaasi ku daray in ay dileen 25 ka tirsan dagaal yahanka Shabaab.

Hadaladan is khilaafsan ee ka soo kala yeeray afhayeenada labada dhan ayaa waxa ay muujinayaan iska warqab la’aan dhinaca howl galada ah oo u dhaxeeya Dowlada iyo AMISOM oo isku dhan ka dagaalama.

Marka laga soot ago sheegashadan is khilaafsan ee dowlada iyo Amisom dhinacyada kale ee dowlada ka soo horjeeda waxa ay daboolka ka qaadeen in ay jabiyeen Dowlada iyo AMISOM waxaana dagaalka ay ku sifeeyeen dhoola tus ujeedkiisa uu ahaa  mid la tusayay ka qeyb galayaasha shirka Newyork.

 www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.