KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Heshiiska oo dhawr qodob oo taageera ah ka koobnaa ayaa waxaa ugu muhiimsan in ciidamada Burundi ay ka taageeraan Ahlu –suna dhinacyada Saadka Milatari iyo cuntada, sidoo kale daweynta dhaawacyada xiliyada Dagaalka.
Dhanka Ahlu-suna sida aynu wararka ku helnay waxaa wada hadalka arinkan ay ku ogolaadeen ciidamada Burundi uga qeyb galay Shuqul Shiikh Aadan Dheere oo ah gudoomiye ku xigeenka maamulka Ahlu-suna ee gobalka Banaadir.
Warar kale oo laga helayo dhanka Ahlu-suna ayaa iyana sheegaya in xoogagaasi ay iminka doonayaan aagag dagaal oo hor leh ay ka furtaan gudaha Magaalada Muqdisho kadib markii ay ka soo baxeen aagii ay uga sugnaayeen degmada Hodan gaar ahaan mowlaca Macalin nuur.
Shiikh Aadan macalin Sugow (Suufi yare) oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee Ahlu-suna ayaa la sheegayaa iminka inuu isku dubaridayo Ciidamo hor leh oo ka dagaal gala fariisin cusub oo ay Ahlu-suna ka sameysan doonto degmooyinka dagaalada qeyba ka mid ah
www.keydmedia.net
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.