Ahlu-suna oo ka mamnuucday Hubka deegaanada ay ka taliso

Muqdisho(Keydmedia) kooxda Ahlu-suna Waljamaaca oo ka mid ah kooxaha qowadda milatari ku leh gudaha Soomaaliya ayaa soo saartay awaamiir ka dhan ah hubka aan sharciyeesneyn.
Warar Keydmedia Online

Max’ed Cartan Shuuriye oo ka mid ah Ahlu-sunadda gobalada dhexe ayaa sheegay in ciddii lagu arkaa hub aan diiwaan gashaneen iyada oo ku wadata deegaanada ay maamulaan ay ka qaadi doonaan talaabo xoog leh.

Waxa uu hoosta ka xariiqay Mr Cartan in aan lagu iibin Karin laguna dhex wadan Karin hub sharci darro ah deegaanada gacantooda ku jira.

Mar uu soo hadal qaaday talaabada ay ka qaadanayaan kooxaha ay u arkaan in ammaanka ay dhibaateynayaan waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ay tallaabo adag ka qaadi doonaan kooxahaasi.

Ammaradda kale duwan ee ka soo baxa kooxaha magacayada badan ee ka jira dalka ayaa dhawaanahaba waxa ay ahaayeen kuwa aad u soo badanaya isla markaana koox walba ay isaga dhawaaqda waxa maankooda ku soo dhaca.

www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.