KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
C/qaadir Macalin Nuur oo ah gudoomiyaha ayaa ka codsaday Madaxweyne shariif inuu balaariyo tashiyada la xiriira cidda laga dhigayo R.wasaare si loo soo dhiso xukuumad taya leh oo wax qabad leh.
Inkastoo gudoomiyaha Gobalka ee Ahlu-suna uu arinkan ka dhawaajiyay ayaa hadana dhanka kale waxaa jira in xoghayaha warfaafinta C/qaadir C/raxmaan Abuu-yuusuf uu kol hore sheegay in aanay sinaba uga mid noqon doonin xukuumada cusub.
Lama oga sida hadaladan kale duwan ee ka soo baxay Ahlu-suna ay u saameyn doonaan hanka Ahlu-suno ee ku aadan wax la wadaagida Dowlada KMG ah.
Laba casho ka hor ayaa sarkaal ka tirsan Ahlu-suno waxa uu ku dhaliilay mas’uuliyiinta dowlada qaarkood in ay si toos ah ula shaqeeyaan dhaq dhaqaaqyada la dagaalama dowlada iyo Ahlu-suna..
www.keydmedia.net
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.