Ahlu-suna : Waxaan dilnay saraakiil shabaab ah

Galguduud (KEYDMEDIA) Afhayeenka Ahlu-suna Shiikh Abuu-qaadi ayaa goor dhaw u sheegay in ay dileen saraakiil shababa ka tirsan kadib dagaal ku dhex maray agagaaraha Wabxo ahlu-suna iyo Shabaab.
Warar Keydmedia Online

Dagaalka ayaa ka danbeeyay kadib howl  galo ay ciidamada ahlu-suna ka sameeyeen tuulooyin ku dhaw wabxo waxaana sida uu sheegay Alqaadi dagaalka lagu dilay afar ka tirsan saraakiisha Shabaab iyadoona kuwa kale lagu dhaawacay.

Saraakiisha Shabaab ee dagaalka ku dhaawacantay ayaa la sheegay inuu ku jiro gudoomiyaha Shabaab ee gobalka Galguduud Kabakutukade waxaana wararka ay sheegayaan inuu geeriyooday.

Xaalada ayaa iminka ah mid kacsan iyadoona aan wali xal laga gaarin xiisada jirta, labada dhan waa kuwa isu hub guranaya.

WWW.KEYDMEDIA.NET

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.