KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Gudoomiyaha Golaha Talada Ahlu Sunna Waljamaaca Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir ayaa waxa uu sheegay in aysan Soomaaliya hadda ka jirin wax Dowlad ah dalkana uu Madax ka yahay Mahiiga, kaasi oo uu sheegay in wax uu doono uu ka samaysto Soomaaliya taasina ay cadeyn u tahay hanjabaada uu u jeedinayo Madaxda iyo Shacabka Soomaaliyeed.
Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dastuurka ku sheega Mahiiga loo samaynayo Soomaaliya uu yahay mid gaaleed oo aan wax dan ah ugu jirin Umada Soomaaliyeed, waxaana uga digay Odayaasha dhaqanka in ay ansixiyaan Dastuurka oo ay god ku ridaan Shacabka Soomaaliyeed.
Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa waxa ay ka mid ahayd Saxiixayaasha Roadmap-ka, waxaana ay dhaliishay Shirka Odayaasha dhaqanka eek u kulamaya Muqdisho kadib markii ay u cuntami weysay Hanjabaadda iyo Xoogga uu Mahiiga ku doonayo in dalka uu kaga hergeliyo Dastuur aan la garanayn Meesha laga keenay islamarkaan aan ku imaan Afti dad weyne iyo rabitaankooda.
Keydmedia.net - Xafiiska, Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.