KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Sh.Cumar ayaa sheegay in Khilaafka Dowladda iyo Ahlusunna uu Salka ku hayo,Balan kabax Dowladda Soomaaliya ay ku sameesay Maamulka Ahlusunna ee Gobolada Dhexe.
Gudoomiyaha Gudiga Talada ayaa sheegay in Dowladda FS iyo Ahlusunna ay ku Heshiiyeen Qodob ay ka mid yihiin Iskaashiga Labada Dhinac,la dagaalanka Al-shabaab, iyo Balan qaadyo lacageed oo intaba dowladda Soomaaliya ay oga baxday Ahlusunna.
Waxaa uu sheegay Sh.Cumar Sh.C/qaadir Gudoomiyaha Gudiga Talada Ahlusuna in xiligaan uu san jirin wax Xariir toos ah oo ka dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Ahlusunna.
Maamulka Culumo Awdiinka Ahlusunna ayaa marar farabadan sheegay in Dowladda Soomaaliya ay Balantii ay wada galeen ay ka baxeen.
Wali Dowladda Soomaaliya ka mahadlin Eedeenta Maamulka Ahlusunna ee Gobolada Dhexe ee Dalka Soomaaliya.
Keydmedia online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.