KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Labada nin ayaa qirtay inay ka qeybgaleen ka dhacay magaalooyin kala duwan oo dalka kamid ah, balse markii dambe waxa ay go’aansadeen inay ku biiraan kooxda Dhaacish oo sidoo kale ka dagaalanta Soomaaliya.
MUQDISHO, Soomaaliya- Labo eedeysane oo lagu kala magacaabo Daren Antonia Brnes oo u dhashay dalka Ingiriiska iyo Axmed Mustaqiim Cali oo kasoo jeeda wadanka Malaysia, ayaa maanta Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya xukuntay. Maxkamadda ayaa sheegtay inay ka tirsanaayeen Al-shabaab, sidoo kalena dalka ay kusoo galeen sifo sharci-darro ah.
Labada nin ayaa qirtay inay ka qeybgaleen dagaallo ka dhacay magaalooyin kala duwan oo dalka kamid ah, balse markii dambe waxa ay go’aansadeen inay ku biiraan kooxda Dhaacish oo sidoo kale ka dagaalanta Soomaaliya.
Aragtidoodii ahaa ku biiritaanka kooxdaas uma suuragelin, waxayna isaga tageen dalka, laakin dalka Yeman ayaa dib ugu soo celiyay xuduudda Soomaaliya, waxaana gacanta ku dhigay ciimada Puntland, oo markii dambe u soo gacan geliyay dowladda Federalka Soomaaliya, muddo sannad ah yay ku xirnaayeen Muqdisho
Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidmada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaqay in Darren Antonio Burns iyo Axmed Mustaqiim bin Cabdixamiid lagu xukumay, min 15 sanno oo xabsi ciidan ah.
Labadan xukunsane ayaa Al-shabaab xireen, kaddib markii laga ogaaday inay haminayaan ku biiritaanka kooxda ka go’day ee Daacish, balse markii dambe fursad ay heleen ayay kaga baxsadeen.
Ajaanibtan ayaa dalka kasoo galay xuduudda ay Soomaaliya la wadaagto Kenya, sannado kala duwan, xukunsanayaashan ayaa haysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan 30-cisho gudaheed.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.