KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Wargeyska ka soo baxa magaalada Copenhagen ee dalka Denmark oo lagu magacaabo told Ekstra Bladet ayaa waxaa uu qoray in kooxda haysata labada ruux ee u shaqeynayay hay’adda DDG ee dhawaan laga qafaashay magaalada Gaalkacyo ay dalbadeen in laga siiyo lacago madax furasho ah oo gaaraysa 50 Million oo Karoon oo ah lacagta Denmark ah una dhigatanta 9 illa iyo 12 million oo dollar.
Wargeyska ayaa waxaa uu ku waramayaa in xiriiro uu la sameeyay hogaanka burcad badeeda haysata labada ruux ooo lagu kala magacaabo Dane Poul Hagen oo Maraykan ah iyo Jessica Buchanan oo asna u dhashay dalka Denmark inay dalbadeen in lacag madax furasho ah laga siiyo isla markaana waxay ka digeen in awood loo adeegsado soo furashada labadaan ruux.
Sarkaalkaan ka tirsan ciidamada booliska maamulka GALMUDUG oo uu wargeysku sheegay in uu la xariiray ayaa waxaa uu tilmaamay inay maalminada Axada ah uu si toos ah u bilaaban doono wada hadalo lagu doonayo in labadaasi ruux lagu soo daayo.
Wargeysku waxaa uu xusay in labadaan ruux si wanaagsan loola dhaqmay ilaa iyo hadda mana jirto wax waxyeelo ah oo loo gaystay
Hay’adda DDG oo ay hoos tagto hay’adda miino saarita ee ay labadaan shaqaale u shaqeynayeen ayaa dhawaan war ay soo saartay waxay ku sheegtay inay xiriiro la sameynayso hogaamiyaasha dhaqanka iyo cid kasta oo gacan ka geysanaysa sii daysmada la heystayaashaas.
Keydmedia.net - Xafiiska Gaalkacyo
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.