KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Lixdan xubnood ayaa laga sugayaa warbixin inay ka keenaan sida ay wax u dhaceen iyo cida fududeysay inuu hubka la geliyo gudaha Xabsiga, oo la ogyahay in aad loo baaro xili kasta waxyaabaha la geliyo.
MUQDISHO, Soomaaliya - Sii hayaha xilka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magacaabay Guddiga Baarista dagaalkii saacadaha badan qaatey ee ka dhacay shalay gudaha Xabsiga Dhexe.
1- Xasan Xuseen Xaaji, Wasiirka Cadaaladda - Guddoomiye
2- Dr. Sulaymaan Max’ed Max’ud, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka - Xubin
3- S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ,Taliyaha Ciidanka Booliska - Xubin
4- S/Guuto Mahad C/raxmaan Aadan, Taliyaha Ciidanka Asluubta Xubin - Xubin
5- S/Guuto C/llaahi Buulle Kameey, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada - Xubin
6- G/Sare Guuleed Sh. Xuseen Aadan, Taliyaha Hoggaanka Baarista Dambiyada (C.I.D.)Xubin
Shaqada Guddiga:
1- Waxa xubnaha Guddiga sare ku xusan la farayaa in ay deg deg u hawl-galaan, una guda-galaan barista dhacdadaas, kana keenaan gub-gaar dhammays-tiran sida ugu dhaqsaha badan.
2- Guddiga waxa la farayaa iyaga oo gudanaya waajibaadkooda in ay si joogta ula socod-siiyaan Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha barista ay wadaan.
3- In hawshan Baarista lagu soo gaba-gabeeyo muddo Toban (10) cisho gudahood ah oo ka bilaabanaysa taariikhda la magacaabay.
4- Guddigan hawshiisu waxa ay ku ekaan doontaa marka baaristu soo gaba-gabowdo.
5- Guddigan waxa uu magacaaban karaa Guddi-hoosaad Farsamo oo u fududeeya waajibaadka loo igmaday.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.