Akhriso: Puntland, Hirshabeelle iyo Jubbaland oo magacaabay Guddiga Farsamo

Guddigan farsamo ayaa laga doonayaa inay soo diyaariyaan nooc doorasho oo dhinacyada ay ku wada qanci karaan ka hor shirka Dhuusamareeb 3, oo lagu wado inuu furmo 15-ka bisha August ee soo socota.

Warar Keydmedia Online
Akhriso: Puntland, Hirshabeelle iyo Jubbaland oo magacaabay Guddiga Farsamo

MUQDISHO, Soomaaliya - Hirshabeelle, Puntland iyo Jubaland ayaa xalay ku dhawaaqay magacyada xubnaha ku meteli doono guddiga farsamo ee Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada, kaasoo ka arinsanaya hanaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Arrimaha Gudaha, iyo Cabdiweli Cali Cabdulle, Agaasime ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada ku meteli doonaan guddiga la dhisayo.

Hirshabeelle ayaa sidoo kale soo magacowday labada mas'uul ee Guddiga ku metelaya, kuwaasoo kala ah: Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Maxamed Cali Caadle iyo Madaxa Xafiiska Amniga Abdul Mohamed Farah Makaran.

Jubbaland ayaa dhankeeda soo magacowday Xirsi Jaamac Gaanni , Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada iyo Xamze Cabdi Barre , Gudoomiyaha guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo doorashooyinka maamulkaasi.

Dhinaca kale, Maamulada Koofur Galbeed, Galmudug iyo Dowladda Soomaaliya ayaa iyana lafilayaa in ay ku dhawaaqaan magacyada xubnaha ku meteli doono Guddiga farsamo oo la rabo in ay soo saaran nuuca doorasho ee dalka kahor shirka Dhuusamareeb ka dhici doono 15 bisha soo socto.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.