KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Labdadaan Nin oo ka tirsanaan Jiray Kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay Dileen Kooxo ka tirsan Ururka Al Shabaab.
Cumar Xamaami waxa iska dhalay Aabe Suuriyaan Muslina ah iyo Hooyo Maraykan Kirishtaana ah, wuxuuna ku dhashay Dalka Mareykanka.
Ninka kale oo Magaciisa lagu magacaabay Usama Al Biridaani ayaa u dhashay Dalka Pakistan laakiin heysta dhalasho dalka Ingiriiska.
Waxaa sidoo kale Al shabab ay qabteen Dagaalyahan Ajanabi ah oo Magaciisa lagu sheegay Khadap al-Masar kaasi oo is-dhiibay intuu Dagaalka socday.
Warkaan oo ay Saakay soo daabacday BBC News ayaa waxaa Keydmedia Online u xaqiijiyay Wariye Madaxbanaan oo u shaqeyn jiray Radiyaha Kooxda Al-Shabaab-
Al-Amriki oo ay dhawaan Wareysatay Laanta Af-Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in hada kadib uusan ka mid ahayn Al-shabaab iyo Al-qaacida, wuxuuna intaa ku daray in uu naftiisa uu kala baqayo hogaamiyaha Maleeshiyaadka Al-shabaab Mukhtaar Abu zubeyr.
"Markaan si furan u hadlo, Aniga ma ahi Al-Shabaab mana ihi Al-Qaacida, waxanse ahay Argagixiso" Ayuu yiri Al-Amriki Wereysi uu Asbuuc kahor siiyay VOA.
Labadaan Ninayaa tan iyo horraantii Sanadkan ku jiray dhuumaaleysi iyagoo naftooda kala baqayay Maleeshiyada Godane.
Abuu Mansuur Al-Imriiki waxa uu kamid yahay Ajaaniib farabadan oo si Sharci darro ah kusoo gashay Wadanka islamarkaasna si toos ah uga qeybqaadatay banneysashada Dhiigga Islaamka iyo sidoo kale boobka loo geyso hantida ay leeyihiin Dadka Soomaaliyeed.
Keydmedia Online - Xafiiska Nairobi
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.