Al-Shabaab oo askar ku af-duutay Shabeellaha Hoose

Kooxda Al-Shabaab ayaa askar ka tirsan ciidamada Dowladda ku af-duubtay Gobolka Shabeellaha Hoose.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo askar ku af-duutay Shabeellaha Hoose

WALLAN-WEYN, Soomaaliya - Degaanka Tabbeelaha Maama-caliyow oo qiyaastii 20 Kiiloomitir u jira degmada Wanla-weyn,  ayay Kooxdaan ka af-duubteen askartaan, kadib markii ay weerareen gaadmo ah ku qadeen gaadiid ay ciidankaas la socdeen oo dhuxul waday.

Labo ka mid ah gawaarida waaweyn ee Dhuxusha waday ayay dab qabadsiiyeen Al-Shabaab waxaana la soo warriyay in ay dileen ugu yaraan Saddex Ruux oo Shacab ah oo ay ka mid yihiin wadayaashii gawaarida.

 Dowladda ayaan wali ka hadlinn arintaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.